Horaa waxaa loo yiri Ilaahiis dile ayaa dhinta , Caalamka oo idil maalin kasta waxaa ka dhaco Shilal kala duwan oo dad aad u fara badan ay nafsadooda ku waayaan, balse markaan waxaa Muuqaal Cajiib ah laga soo duubay dadka ku sigtay inay Dhintaan ama xijaabtaan laguna sheegay inaysan tooda galin oo wali waqtigooda uu wax ka harsanaa.
Dadkaan Nasiibka badan ayaa Gawaari & Tareemo soo fariin goostay iyo kuwo isku dhacay waxeey ugu tageen Wadooyin fara badan oo ay marayeen balse nasiib
wanaag faro cidiyo leh ayay kaga baxsadeen amuurtaas oo dad kale ay inta badan ku halaagsamaan .
Dadkaan Nasiibka badan ayaa mararka qaar laga soo dhex saaraa Gawaari rogmatay ama isku dhacday hoostooda waxeeyna qaarkood qaadaan shook ama sas.
Inta badan dhacdooyinka Caalamka ka dhaca kuwooda ugu yaabka badan waxaa duubo Kaamerayaal ku rakiban Wadooyinka halista ah iyo waliba Gawaarida qaarkood oo leh Kaamero yar oo aalaaba lagu duubo marka ay qalad galaan ama qudhooda qalad laga qalo si ciidamada Booliiska ay dadka u kala saaraan .
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com