Dhalinyaro Soomaaliyeed oo boqday Godweyn oo Macdanta laga Qodo oo ku yaala wadanaka Poland.(Daawo Sawirada)

Friday, March 8, 20130 comments



Dhalinyaro ka kala yimid wadamada Qaar ee Aduunka oo ay ku jiraan dhalinyaro Soomaaliyeed, malmahaana Aqoonisweydaarsi lagu baranaayey is dhexgalka Bulshada ujooga Wadanka Poland ,ayaa La geeyey goobo taariikhi ah oo ku yaala Gobolka SILISIA ee wadanaka Poland .

Goobaha dhinyaradan lagu soo wareejiyey ,ayaa waxaa ka mid ah goob weyn oo laga qodijiray Macadanta, wadanka ,iyo Mid ka mid ah Madxafyada ugu weyn wadanka Polnad,waxaana gobahaasi ku soo dhaweyey Shaqalihii halkaasi joogay ,oo u sharaxay dhalinyada Wax yaabaha mesha yaala.

Goobta lageyey Ardayada oo laga qodi jiray Macdanta ,ayaa waxaa lagu magacaabaa SZTYGAKA oo ah goob aad uweyn oo oo dhulka hoostiisa ah, waxaa marka Ay dhalinyarada galaayeen godka Loogiliyey ,Koofiyado waaweyn ,iyo dhargooni ah oo laagu talagalay in Goobtaasi la gu galo,waxaana sidookale loo Xiray Tooshash ,maadama mesha ay tahay dhulka Hoostiisa Mugdina ay ahayd,

Anigoo ka mid ahaa Dhalinyaradii Nasiibka u yeelatay in ay Gudaha Ugasho Goobtii laga soo saarijiray Macdanta Wadanaka Poland ,ayaa waxaan dareemay Cabsi xoogan Maadama Mesha ay Aheyd Meel Mugdi ah,biro Duqoobay na ku jireen Dhulka hoostiisna Lagu soconaayo 1k Mitir,lakiin waxaan ka soo baxnay aniga iyo saaxiibadeyda Anagoo nabad qabna ,waxaana ay aheyd Markii ugu horeysay oo aan Goobtaasi oo kale Galno.

Sidookale waxaa Dhaliyarada la dulgeyey Mid kamid Karayaashii ay Ciidamada Poland ku dagaalamijireen Dagaalkii 2aad ee aduunka ,iyagoona Sawiro ku galay halkaasi.

Kamila oo ah Maclimada Tabarka bixineysay ,ayaa waxaa ay sharaxad ka bixsay Goobta Macdanta laga Qodijiray ,iyo Madxafka weyn ee nugala soo wareejiyey waxaana ay sheegtay in ay ay tahay Gobahaan Goobo taariikhi ah oo Sanad walba ay soobooqdaan Dad ka kala Yimid aduunka oo loo soo dalxiistago.

Abdi Rasaq Abdishakur
Bile Gurxan Helen Lizzie
Katie,Bridget
Noreena,Loretta,Vieta
Maria,Magda,Pioir,Matreusz
Sebastian,Szymon,Bartek M Micnat oo kamid ah Dhalinyarada ka qeybqadaneysa ,Aqoonisweydaarsigaan ayaa waxaa ,ay shegen in ay si aad ah ugu faraxsanyihiin ,in la soo baro Goobaha Taariikhiga ah ee gobolka SILESIA ee wadanka Polanad .




















C/laahi Taajirow Poland

_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog