Digniin Ha Daawan Hadii aadan Awoodin Sawiradan laga soo qaaday Ninkii galabta isku Qarxiyay Suuqa Bakaaraha

Friday, March 22, 20130 comments


Waxaa gabaldhicii Maanta Weerar ismiidaamin ah uu ka dhacay Saldhig Ciidanka Nabad Sugida Dowlada Soomaaliya ku leeyihiin Suuqa Weyn ee Bakaaraha gaar ahaan Qeybta lagu iibiyo Daawada.

Weerarka Ismiidaaminta ah waxaa Fuliyay Wiil aad u yar oo la sheegay in ee ku xirnaayeen waxyaabaha qarxa kaa oo ku qarxay agagaarka Saldhig Ciidanka nabad Sugida ku lahaayeen Suuqa Bakaaraha halkaas ee xiligaa ku sugnaayeen saraakiil iyo Ciidamo katirsan Nabad Sugida.

Inta la xaqiijiyay Weerarka Ismiidaaminta ah waxaa ku dhintay Wiilkii waxyaabaha qarxa isku soo rakibay iyadoona sidoo kale uu halkaasi dhaawacyo kasoo gaareen Taliyaha Saldhigaasi iyo labo qof oo kale oo shacab ah sida uu Shabakada newbanaadir.com u xaqiijiyay Gudoomiyaha Degmada Howl Wadaag Maxamed Abuukar Jacfar.

Gudoomiyaha Degmada Howl Wadaag Jacfar ayaa xusay in Wiilka is qarxiyay uu socday uuna kusoo dhawaaday Saldhiga xiligaa kadibna uu kaligiis qarxay qasaaraha Dhimashana isaga kaligiis ee ku kooban tahay sida uu xusay.

Qaraxa xiliga oo dhacayay oo aheed xili inta badan Suuqa la xiray ayaa dadkii yaraa ee ku haray waxa ee bilaabaan in ee deg deg goobahooda u xiraan kana baxaan Suuqa iyaga oo ka cabsi qaba rasaas ee ridayeen Ciidanka Dowlada in ee waxyeelo kasoo gaarto.

Qaraxan Ismiidaaminta ah ayaa noqonaya kii labaad ee isbuucan ka dhaca Magaalada Muqdisho inkastoo kii galabta dhacay uu qasaarihiisa aad u yaraa marka loo eego Weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee Maalmo kahor ka dhacay afaafka hore ee EX- Fiyoore ee Magaalada Muqdisho.

















_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog