Dowlada Mareykanka oo Shaaca Ka Qaaday Hadal Ay Ka Naxeen Somalida Dalkeeda Ku Nool(Muxuu Yahay Bal aqri)

Monday, March 11, 20130 comments


Dowlada Mareykanka ayaa sheegtay in dib loo celin karo dadka Soomaalida ah ee ku nool Dalkeeda.

War ka soo baxay dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay in dib loo celin karo qaar ka mid ah dad Soomaali ah oo ku nool gobolka Minisoota ee dalkaasi, kadib markii sida ay sheegtay uu soo hagaagay ammaanka Dalka Soomaaliya.

Ilaa iyo 24 ka mid ah dadka Soomaalida ah ee degan Magaalada Miniyaabalis oo dambiyo ka galay wadanka Mareykanka ayaa waxaa  Maxkamadi amar ku bixisay in dib loogu celiyo gudaha Dalka Soomaaliya.

Qaar ka mid ah Soomaalida ku nool Dalka Mareykanka ayaa waxaa ay aragtiyo kala duwan ka bixiyeen go’aanka cusub ee ay qaadatay Maxkamadda oo la xiriira dib u celinta dadkaasi .

Axmed Ismaaciil Samatar oo ka mid ah aqoonyahan Soomaaliyeed oo ku nool Dalka Mareykanka islamarkaana wax ka dhiga kolejka lagu magacaabo Macalester  ayaa sheegay in arintan ay tahay mid ay ku deg degtay Dowladda Mareykanka.

Urur ay leeyihiin qareenada Dalka Mareykanka ayaa waxaa ay dhankooda muujiyeen walaaca ay ka qabaan xaaladaha ay la kulmi karaan dadkani haddii dib loogu  celiyo dalka Soomaaliya Marc Prokosch oo ka tirsan ururkaasi ayaa sidaa sheegey.

Dib u celinta dadka Soomaalida ah ayaa waxaa ay aheyd mid dhibaato badan ka haystay Dowladda Mareykanka muddo sanado ah waxeyna iminka sheegeen in xaalada amaanka Soomaaliya oo soo hagaageysa ay keentay in dadkani loo celin karo gudaha Soomaaliya.












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog