Dowlada oo loogu baaqay in ee soo cadeeso Dadka inta Xabsiyada lagala soo baxay hadana Meydadkooda lagu arkay Muqdisho

Friday, March 15, 20130 comments


Odayaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye ayaa si kulul uga hadlay dad la sheegay in ee Maxaabiis ahaayeen xabsiyana lagu ogaa inta la dilay Meydadkooda hadana lasoo dhigay xaafado kamid ah Magaalada Muqdisho.

Nabadoon Axmed Diiriye Cali Afhayeenka Odayaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye ayaa sheegay in Falalkii maalmo kahor ka dhacay Qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho ee yihiin waxyaabo dhaawacaya sumcada Dowlada sidoo kale wax u dhimaya amaanka guud ee Magaalada.

Nabadoon Axmed Diiriye ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dad uu sheegay in ciidamada dowlada ay xireen hadana meydadkooda laga helo qaar ka mid ah xaafadaha Gobolka Banaadir, isagoona xusay in arintaasi ay ceeb ku tahay dowlada federaalka ee Soomaaliya.

Afhayeenka ayaa ugu baaqay Dowlada Soomaaliya in baaritaano kusameeso Dilalka loo geestay dad xabsiyad Dowlada lagu ogaa , waxa uuna ka digay in Falalka nuucaan ah oo kale soo laabtaan kuwaa uu xusay in amaanka Magalaada Qatar galinayaan.

Hadalka Odayaasha Dhaqanka Beesha Hawiye ayaa kusoo aadaya Xili maalmo kahor Meydadka dhalinyaro la sheegay in ee ku eedeesnaayeen Shabaabnimo inta xabsiyada lagala baxay lagu Dilay Degmada Dayniile Meydadkoodana xaafada la dhax dhigay.












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog