Xildhibaano lagu Eedeeyay in Baarlamaanka ugu jiraan kaliya in ee Gunooyin ka qaataan balse aan matalin Beeshooda

Friday, March 15, 20130 comments



Waxgaradka , Aqoonyahanada iyo Dhalinyarada Beesha Murusade ayaa si kulul u weeraray Xildhibaanada Beeshaasi katirsan ee ku jira Baarlamaanka Soomaaliya .

Xildhibaanada Beesha Murusade uga midka ah Baarlamaanka ayaa markii Kursiga galayeen waxa ee dhamaantood balan qaadeen in ee u shaqeyn doonaan Umada Soomaaliyeed iyo sidoo kale dadka iyo deegaanka ee matalaan taas oon ilaa hada muuqan.

Mid kamid ah Odayaasha Dhaqanka oo la hadlay Bogan ayaa xusay in Xildhibaanada Beesha Murusade eesan ka damqaneen dhibka lagu hayo Deegaanka iyo dadka ee matalaan kaliyana ee baarlamaanka ugu jiraan Xildhibaanadaasi in ee qaataan gunada yare ee la siiyo bishii .

‘’ Walaal waxaan kuu sheegayaa xildibaanada Beesha uga midka ah Baarlamaanka nama matalaan waayo warba kama hayaan dadka iyo deegaanka ee sheegayaan in matalaan , saad ogtihiin deegaanada Beesha dagto maalmihii lasoo dhaafay Dhibaatooyin aad u xun xun ayaa ka dhacay lama arag midkood oo xitaa ka hadlaya marka Xildhibaanadaasi Baarlamaanka in Mushaarka yar ka qaataan ayey ugu jiraan ‘’ ayuu yiri Mid kamid ah Odayaasha Dhaqanka ee Beesha Murusade.

Maalmihii ugu dambeeyay Degmada Dayniile ee Degto Beesha Murusade ayaa waxaa ka dhacayay dhibaatooyin aad u fool xun kuwaa oo ahaa inta dad lagala baxay Xabsiyo kuyaala Degmada la geeyay laguna dilay Medadkoodana halkaasi looga soo tagay kuwaa oo cabsi iyo qal qal ku beertay dadka deegaanka.

Xildhibaanada beesha Murusade ee eedeynta loo soo jeediyay ayaan wali la arag iyaga oo ka hadlaya Dhibaatooyinka ka taagan Deegaanda beesha Dagto oo inta badan dhibka ugu weyn magaalada ee ka dhacaan iyadooda ariiro ana qaarkood la sameenayay ee noo suurto gali weesay.

Golaha Wasiirada ayaa maalintii shalay Shir ee ku yeesheen Muqdisho waxa ee kaga hadleen Dilalkii foosha xumaa ee ka dhacay Degmada Dayniile waxaana baaritaan lagu sameeyo Falalkaasi loo saaray dhoor Wasaaradood oo la filayo in maalmaha soo aadan war kasoo saaraan dhacdooynkii dhacay iyo cidii ka dambeesay.














_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog