Dumarka Maxaa Lumiyay Garoobnimo iyo Guur la’aan Ma Garashobaa ?

Wednesday, March 13, 20130 comments


Maqaalkaan aan ugu magac daray dumarka Maxaa Lumiyay Garoob-nimo iyo Guur la’aan Ma Garashobaa ayaa waxaan ku soo qaadan doonaa sababo badan oo ay dumarka ku waayaan nolosha qoskeeda ama nolsha guurka oo ehelkeeda ku diri kara.
  
Waxaa jira sababo aad u fara badan oo keeni kara inay dumarka reerkooda ku waayaan inay noloshii wanaagsaneyd ee lamaanaha ahaa, laakiin waxaan ka soo qaadani kuwa ugu muhiimsan oo aan is leeyahay waa ay ugu muhiimsan yahiin, waloow aan lagu soo koobi karin hal qormo iyo wax la mid ah in looga hadlo dhibaatada dumarka ay kula kacaan ragga qaba.

Waxaana ku hormari doonaa in dumarkii hore ay ahaayeen sidaan oo kale iyo in kale, isla markaana waxaa uu lahaay guurka beri samaadkii qiimo aad u badan oo aad moodaa inuu sanadaah ugu dambeeyay uu qiimo beelay, maadmaana ay is daba socdaan guurka iyo furiinka oo noqday mid deg deg ah.

Iyaddoo ay talaabadaani furiinka ah ama kala taga uu aad ugu farxo Sheydaanka, hase yeeshee kii kala geeyaa labo lamaane ah ku abaal mariyaa Taash, inkastoo dumarkii hore ay ahaayeen kuwa ximbaarsan diin iyo dhaqankeena suuban haddana loo maleeyay inay ku jiraan gumaad.

Waxaana xusid mudan inuu Alla uusan simin dadka oo dhaqan, balse waxaa jirtay in ragga qaarkiisa ay dumarkooda dili jireen sanadahii hore, hase yeeshee waxaa la tilmaami karaa inay dumarkii hore ay ahaayeen kuwa edeb iyo aqlaaq buuxda iska leh oo ay ku dheehan tahay doorsanaan.

Waxaana badalay kuw maanta taagan shaalay iyo allow maxaa igu watay inaan noqdo garoob ama carmal-nimo, in kastoo ay u sii dheertahay guur la’aan soo food saartay, kuwaasi-na waa kuwa ku dhaqan wadamada loo yaqaano reer Galbeedka, waxaana wali la layahay qeybo ka mid ah dumarka ku nool wadamada reer galbeedka oo dhowr soon.

Si kastaba ha ahaatee waxaan ku soo af jarayaa maqaalkeygaani inaan ku sheego sababah lumiyay dumarka ku nool wadamada reer Galbeedka oo ah inloo qabto oo loo yaqaan waana magacyo badan yihiin, waxaase kamida (8-da marso, Xuquuqda Dumarka, horumarka Haweenka,Waxqabadka Haweenka) iyo kuwa kale oo badan waayoo waxey u keentay arimahaas oo dhan Hoos u dhac laga Fahansiiyey Diinta islaamka Iyo Dhaqanka, iyadoo qoom kasta ee ku nool adduunka uu rabi ku maneysta heybad ama dhaqan ay ku faanta,hase yeeshee dumaroow garro garoobnimo iyo guur la’aan ma garbaa taasna ha inoo joogto.












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog