Meydadka ilaa afar ruux oo jirkooda rasaas ka muuqato ayaa saaka lagu arkay Xaafada Gubta ee degmada Dayniile, iyadoo ay ku jireen dad horay lagu qab qabtay howl galo ciidamada nabadsugida ka sameeyeen qeybo ka mid ah xaafadaha Muqdisho.
Sida ay sheegayaan wararka meydadkan ayaa waxaa ku jira wiil dhalinyaro magaciisa lagu soo gaabiyay Abdimajiid Ali Salaad, kaasoo dhowaan howl galo lagu soo qabtay, deetana saxaafada loo soo bandhigay.
Mid ka mid ah ehelada ninkan aya asaaka saxaafada u sheegay in meydkiisa xalay la keenay Gubta, markii maalmo ka hor howl gal lagu qabtay, isagoo xusay in muddo lix bil ka horay uu Shabaab ka soo tagay, markii dowladda cafis u fidisay.
“Waxaa maqaal nagu aheyd in guryahooda laga qabtay, maalin dhoweyd, horay waxay uga soo tageen Shabaab, cafiska dowladda ayay ku soo galeen muddo lix bilood ka hor, waxaa layaab ah in saakay meydadkooda la soo dhigay, amar Maxkamad oo lagu dilay ma ogin, arrintaas waxay wax u dhimeysaa mas’uuliyada dowladda, waana arrin dowladda looga baahan yahay inay jawaab ka bixiso”ayuu yiri nin ehelo la ahaa meydka dadka saaka la soo dhigay xaafada Gubta.
Sidoo kale ruux kale oo ehelo la ahaa meydka nin shalay la soo dhigay agagaarka xaafada Coca-Cola ee degmada Yaaqshiid ayaa sheegay in maalin ka hor ninkaas lagala baxay guri ku yaal Xaafada Suuqa Xoolaha, isla markaana markii ay ka daba tageen la geeyay Xarunta CID-da, loona gudbiyay Xabsiga Madaxtooyada, waxaana uu intaa ku daray in subaxdii kale ay ka war heleen meydkiisa oo yaala agagaarka Coca Cola.
“Waa ka xunahay in shalay isagoo la qabtay in la dilo, dowladda rag ka tirsan ayaa soo qabtay, ninkaas doraad la soo qabtay waxaa la dhaha Maxamed Cabdi Culusow, waxaa la geeyay CID, waa ugu daba tagnay, Madaxtooyo ayaa loo gudbiyay la dhahay, anoo saaka is laheyn ku dheelmada, ayaa meydkiisa oo yaalo Coca Cola ayaa aragnay”ayuu yiri qof magaciisa diiday inuu sheego oo ehelo la ahaa meydka nin shalay la soo dhigay agagaarka Coca Cola.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Laamaha ammaanka dowladda, gaar ahaan Hey’adda Nabadsugida oo ku aadan meydadkan la soo dhigay 24-kii saac ee u dambeeyay xaafadaha Muqdisho, iyadoo dadkan ay ahaayeen dad howl galo ay sameeyeen ciidamada lagu qab qabtay maalmihii u dambeeyay.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com