Fadeexad iyo ceeb weyn ayaa waxaa la
sheegay inay soo wajahday taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed ka dib
markii uu u hanjabay oo uuna ku qasbay haweeney la kufsaday inay ka been
sheegto kufsashadeeda oo ayna qirato inaan la kufsan.
Taliyaha ciidanka Booliiska
Soomaaliyeed Sareeye Guuto Shariif Sheekhuna Maye ayaa waxaa la sheegay inay ku
eedeysay haweeneydii sheegtay dhawaantaan in la kufsaday inuu taliyuhu uu kala
qasbay inay ka been sheegto oo ay beeniso in la kufsaday, Haweeneydaan oo lagu
magacaabo Luul Cali Cismaan oo dhawaantaan wareysi siisay idaacada VOA qeybta
Soomaaliga ayaa waxay sheegtay inuu taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed oo
loogu geeyey xafiiskiisa uu u sheegay kuna qasbay inay beeniso in la kufsaday
oo ayna ka noqoto sheegashadeedii ahayd in la kufsaday asagoo taas badalkeedna
u balanqaaday inuu ka sii deyn doono xabsiga, Haweeneydaan ayaana waxay
sheegtay inay arintaas keentay oo ayna danta ku qasabtey inay ka noqoto
sheegashadeedii ahayd in la kufsaday laakiin ay sheegtay in xaqiiqo ahaan la
kufsaday oo ayna ugu laabatey arintaas culeys kaga yimid taliyaha ciidanka
booliiska Soomaaliyeed.
Ugu dambeyntiina iyadoo run ahaantii
ay tahay wax laga xumaado hadii ay jirto arintaas inuu masuul sare oo xilkaas u
haayo umada Soomaaliyeed uu sidaas u dhaqmo ayaa tani waxay dhabar jab weyn ku
tahay dhamaan umada Soomaaliyeed ee rajeynaayey inuu dhamaaday musuqmaasuqi iyo
wax isdaba marintii, Arinta haweeneydaan iyo wariye kale oo lagu magacaabo
Cabdicasiis Cabdinuur Ibraahim (Koronto) ayaa waxay ahayd mid uu muran weyn ka
taagnaa waayadii ugu dambeeyey gudaha iyo dibadaba iyadoo ugu dambeyntiina la
sii daayey haweeneydaas la kufsaday oo markii hore hal sano oo xarig ah lagu
xukumay weriyihii soo bandhigay sheekadaasna oo asagana horey sidoo kale hal
sano oo xarig ah loogu xukumay ayaa mar kale loogu badalay xarigaas 6 bilood oo
xarig ah arintaas oo muujinaeyso qaladka iyo wax is dhaafsanaanta ka jira
kiiskaas lagu soo eedeeyey labadaas ruux kaas oo run ahaantii u muuqdo inay wax
weyn ka qaldan yihiin.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com