Muxuu Ra''isulwasaraha Gobolada ugu safraa xilliga Madaxweynaha dibada u dhoofo?

Tuesday, March 5, 20130 comments

Sheekada xiisaha badan todobaadkaan waxay tahay su-aal ku saabsan sababta Ra''isulwasare Saacid goboladda Somalia u booqda marka Madaxweyne Hassan Alasow dibadda uga baxo.

Xilligii Madaxweyne Garguurte ku jirtay safaradiisii Yurub iyo Mareykanka ayuu Ra''isulwasare Saacid booqday Magaalooyinka Marko iyo Beledweyne taas oo lacagtii ku baxday ku sheegay Hal Milyan iyo Sideed boqol oo Dollar .

Xeeldheerayaashu waxay isweydiinayaan muxuu Ra''isulwasare Saacid safaradiisa goboladda ugu bixi waayay intii uu Madaxweynaha joogay Dalka maxaase lagu tilmaami karaa inuu safar deg dega ku gaalaa bixiyo Galgaduud maalin kadib markii Hassan Mohamud Alasow ka dhoofay dalka.

Xeeldheerayaashu qaar waxay ku kaftameen inuu laba ujeedo mid ka leeyahay.

1- Inuu lacag badan ku cunayo safarkiisa oo joowr fal siyaasadeed ka dhigayo .

2-In Damu jadiid kula taliyeen inuu Goboladda Somalia booqda xilli kastoo Madaxweyne Hassan ka dhoofo dalka.

Sikastaba ha ahaatee Safarada uu Ra''isulwasaraha ku booqdo Magaalooyinka dalka waxay leeyihiin ujeedo maadama lagu beego xilliyada uu Madaxweynaha Dowladda Federalka dibadda u dhoofo.











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog