Foobiyada (Phopia) ayaa ah cabsi ay la socoto
wel wel waxaana lagu tirayaa nooc ka mid ah xanuunada nafsiyan-ka ah ,
Foobiyada ayaa inta badan dadka kale u soo muuqan balse hadii aan la iska
daaweyn waa ay korortaa .
Waxaana xanuunkaan Foobiyada u sabab
ah Horome-nada ku jira maskaxda kuwaasi oo amar siinaya jirka waxaana dhacaya
qal qal dhanka jirka ah tusaale waxa ay amar siinayaan kiliyaha si ay jiitaan
qadar Oxygen ah halka maskaxdana soo deyneyso hormone badan oo ah nooca loo
yaqaan adrenaline kaasi oo keenaya in garaaca wadnaha xoog u shaqeeyo.
Si aad uga taqalusto Foobiyada waxaa
kuula gudboon in aad naftaada wajahdo oo aad weydiiso sababta ka dib aad taqtar
psychiatrist-ka ah kaasi oo kaa caawinaya sida aad uga hor tageyso arimahaas
wel welka iyo cabsida wata si aad u xakameyso neerfayaashaada .
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com