Magaca Furiin
qof walba oo Soomaali ahi wuu garanaya in uusan ahyn Magac dhegaha Bini aadamka
uroon, Furiinka ayaa waxa keena waxyaabo badan iyadoo ay ugu weyntahay
Is-fahamka labada lamaane soo kala dhex gala Guurka kadib.
Dhalinta maanta kama taxadaraan
Guurka inkastoo aysan fursad siinin Is-barashada rasmiga ah ee Xariirka kadib
Furitaanka ayaa la sheegaa in uu ka danbeeyo qodobadan Hoos ku xusan:
1. Dagdagsiimo: Lamaanaysha oon in
badan qibrad iyo aqoon uleheen Macnaha rasmiga ah ee Guur inkastoo guurku yahay
nolosha runta ah cidii uu ka halaabana ifka aanan ku raaxeesan.
2.Kalsooni: Kalsoonida waa shey aad u
muhiim ah Lamaanayasha isla wadaagaya Nolosha ma helaan kalsooni la’aan nolol
buuxda iyagoo erey iyo afxumo ku dhameesta inta ay isla joogaan ugu danbeyna ku
kala taga halkaas.
3.Eedda: Lamaanayasha isla wadaagaya
nolosha waxa muhiim ah iney is tix galiyaan ereyga iyo eeda joogtada ahi waxa
ay sababeysaa naceeb labada qof kala geeya halkaasna waxa ka dhasha Furiin.
Qodobka ugu muhiimsan waxa weeyaan in
Labada ruux ee is aaminay noloshana wada wadaagaya in Alle dartiis ka dhigaan
xariirkooda ku saleesnaado Diinta islaamka si ay unoqdaan qoos barakeysan oo
Alle uraxariisto kana hara wixii alle ka reebo.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
