Khubaro caafimaad oo dhakhaatiir u ah
dadka buurbuuran iyo caafimaadkooda oo u dhashay dalka Jarmalka, ayaa soo
saaray warbixin shaaca ka qaadday in dadka aadka u buuran ka cimri dheer yihiin
kuwa kale, waxaanay arrintaas ku sababeeyeen maskaxdooda oo nafaqo badan jidhka
ka heshay, sidoo kalena ka badbaadaan isku buuqa iyo cadhada badan.
Prof. Achim Peters oo ka mid ah
khubaradan, ayaa sheegay in dadka aadka u buurbuuran aanay cadho la kulmin,
?Sababtoo ah hab-dhiska kiimikaad ee burburinta cuntada ee jidhkooda ka dhex
dhaca ayaa u saamaxa in maskaxdu ku mashquusho cuntada.?
Prof. Peter oo ka tirsan Jaamacada
Luebeck University oo ku taal woqooyiga Jarmalka, waxa uu muddo soddon sanno ah
cilmi-baadhis ku samaynaaey xidhiidhka ka dhaxeeya maskaxda iyo miisaanka
qofka, waxaannu waxba kama jiraan ku tilmaamay in dadka buuran ka hor dhiman
ogyihiin kuwa dhuudhuuban, inkastoo qof walba uu dhimanayo saacadda Ilaahay u
qaddaray.
Dadku waxay uga falceliyaan cadhada
iyo isku buuqa badan laba hab oo kala duwan; dadka qaar wax bay cunaan,
dabadeed way naxaan, halka kuwa kalena ay cuntada diidaan, kadibna dhuubtaan,
sidaa darteed dadka dhuudhuuban waxay halis u yihiin in isku buuq maskaxdooda
ku yimaad, kaasoo keeni kara in ay si dhib yar u geeriyoodaan, halka qofka
buuran uu maskax ahaan iska difaaco isku buuqa oo aanay dhib badan u keenin,?
ayuu yidhi Prof. Peters.
Waxa kaloo Prof. Peter oo u warramay
wargeys Jarmalka ka soo baxa uu xusay in isaga iyo asaxaabtiisu heleen
waxyaabaha sababa halista isku buuqa, kana mid yihiin faqriga, xadgudubyada,
furriinka, qofka oo dulqaad yar iyo shaqada oo ku cuslaata, dadka dhaqaalaha
fiican helaana wuxuu sheegay in ay helaan cunto fiican, kadibna maskaxdooda
noqoto mid nafaqo badan hesha oo dhibta isku buuqa iska difaacda, fikirkuna ka
yaraado.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
