Gabar si ay internetka u isticmaasho suuxisay Aabeheed iyo Hooyadeeda Dhacdo layaab leh

Thursday, March 7, 20130 comments


Booliska Gobalka California ee Mareykanka ayaa xiray Gabar Dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay inay Hooyadeed iyo Aabaheed siisay Caano ay ku dartay Daawada wax suuxisa iyadoo markaa doonaysay inay fursad u hesho isticmaalka Internet-ka illaa iyo intii ay doonto.

Shabakadda Fox News ayaa shaacisay in Gabadhan ay Hooyadeed iyo Aabaheedba siisay Caano iyaguna ay u arkeen inay Gabadhooda wanaag u samaynayso sidaasna ay Caanihii ku cabeen. Hase yeeshee Waalidkii ayaa dareemay Dhadhan la yaab leh, durbadiibana waxay galeen Hurdo.

Markii la gaaray 1-da Aroortii hore ayeey kasoo tooseen iyagoo u ek sidii dad Sarqaansan ama Cabsan oo sidoo kalena dareemaya Madax xanuun.

Labada Waalid ee Gabadha dhalay ayaa Booliska ka codsaday in la baaro Caanaha ay Gabadhooda siisay, dabadeedna waxaa la ogaaday inay Caanu wateen Walxo Hurdo ka keenaya Qofkii caba.

Waalidku wuxuu rumeysanyahay in Gabadhooda iyo Saaxibadeed ay iska kaashadeen sidii Walxahaas Hurdada ku ridaya Qofka loogu dari lahaa Caanaha, maxaa yeelay waxay Gabdhu dhibaato ku qabtay Waalidkeed oo ka horjoogsan jiray inay isticmaasho Internet-ka marka Waqtigu uu gaaro 10-ka Habeennimo.

Gabadha ay dhaleen Labadan Waalid iyo Gabadhii Saaxibteed ahaydba waxaa lag geeyay Maxkamadda Dhalinyarada loogu tala galay si loogu qaado Dacwad la xiriirta inay maleegeen Shirqool iyo inay Raashin ku dareen Maan-dooriye.











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog