Xarakada Al-Shabaab ayaa ka hadashay
Dagaalka Soomaaliya xiligan kasoconaya ee u dhaxeeya Dowlada Soomaaliya iyo
Ciidamada Midowga Afrika ee Dowlada Taageeraya iyo dhinaca Dagaalamayaasha
Al-Shaaab.
Sheekh Cali Xuseen oo loo yaqaan Cali
Jabal Al-Shabaabna ugu Magacaaban Gobolka Banaadir ayaa ka hadlay Warar ee
Shabaab horey u baaiyeem oo ahaa in Dhawaan Soomaaliya soo gaarayaan Ciidamo
kasocda Dowlada Dalka Siiralyoon kuwaa oo la sheegay in loo soo qeybiyay
kitaabo Bible ah.
Gudoomiyaha Al-Shabaab ee Gobolka
Banaadir ayaa xusay in Dagaalka Soomaaliya xiligan kasocda uu ku saleesan yahay
sida uu yiri loolan u dhaxeeya Masaajiid iyo Kaniisad isagoona tusaale usoo
qaatay Ciidamada hada Soomaaliya imaanaya ee kitaabada Bible loo soo qeybiyay
uu ku tilmaamay kuwa loogu tala galay in diinta la dagaalamaan sida uu hadalka
u dhigay.
Dhinaca Kale Sheekh Cali Jabal ayaa
ka hadlay Qaraxyo iyo Dilal ee ka geesteen Magaalada Muqdisho maalmihii lasoo
dhaafay waxa uuna xusay in Muqdisho xiligan nabad aheyn mar walibana ka
geestaan Dilal Qorsheesan ,Dagaalo iyo Qaraxyo ee u geestaan Ciidamada AMISOM
iyo kuwa Dowlada.
Hadalka Al-Shabaab ayaa kusoo aadaya
xili awooda Kooxdaasi ee sii yaraaneyso iyadoona Maraka qaar Saraakiisha
Al-Shabaab baahiyaan hadalo ee bulshada ku kicinayaan si ee taageero uga
helaan.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
