Ganacsade Cabdi Xoosh oo Sheegay in si xoog leh Loogu Heesto hantidiisa uu ku lahaa Magaalada Muqdishu (Daawo Muuqaal+Warbixin)

Saturday, March 16, 20130 comments

Ganacsade Cabdi Xoosh ayaa waxaa la sheegay inuu eedeyn kulul uu u soo jeediyey rag madax sare ka ahaan jirey dowladii hore ee Kacaanka asagoona sheegay inay ragaas ay si xoog leh ay uga heystaan hantidiisa uu ku lhaan jirey magaalada Muqdishu

Ganacsade Cabdi Xoosh ayaa waxaa uu sheegay in tiro ilaa iyo 12 guri iyo shirkad uu lahaa iyo beero uu ahanti ahaan u lahaa ay ka heystaan rag jagooyin sare ka soo haayey dowladii kacaanka, Ganacsada Xoosh oo ragaas magacaabay ayaa waxaa uu sheegay inay yihiin raga hantidiisa iyo guryihiisa heysta Janaraal Caare oo ahaan jirey safiirka dalka Shiinaha ee dowladii kacaanka ee Soomaliya, Xaashi Cali Dhoore oo dowladii kacaanka ahaa Milatari Ataajka dalka Soomaaliya u fadhin jirey dalka Pakistan, iyo gudoomihii hore ee shirkadii diyaaradaha Soomaaliyeed ee Somali Airlines Guleed asagoona uu ninkaas ku eedeeyey masuuliyiintaasi inay yihiin dadka heysta hanti uu sheegay inuu ku lahaa dalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntiina iyadoo wax lala yaabo ay tahay hadii sida uu sheegaayo ganacsadahaasi ay dhab tahay arintaas maadaama ay ragaasi yihiin dad masuuliyiin ah oo ay tahay in lagu daydo, ayaa arintaan waxay ka mid tahay dhibaatooyinka waaweyn ee horyaala dowlada dalka Soomaaliyeed, dhawaantaan ayey waxay ahayd markii fanaanada Maryan Mursal Ciise ay ku xirtay ku soo noqoshadeeda ee magaalada Muqdishu in marka hore looga saaro cida ku jirto gurigeeda taas oo keentay inuu duqa magaalada uu ka jawaabo arintaas asagoona sheegay inuu u balanqaadaayo inuu gurigeed uga saaro cida ku jirto hadii ay ku soo noqoto magaalada Muqdishu.















_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog