Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Tarsan “Maryan Mursal hadii ay timaado Muqdisho muddo shan maalmood Gurigeeda ayay degeysaa”

Sunday, March 10, 20130 comments


Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa ka jawaabay hadal ka soo yeeray Fanaanada Maryan Mursal Ciise, kaasoo ahaa in aanay Muqdisho imaaneyn, iyadoo Gurigeeda xoog lagu heysto.

Fanaanada Maryan Mursal ayaa sheegtay in Gurigeeda oo ku yaal degmada Howlwadaag, gaar ahaan Xaafada Baar Ubax xoog looga heysto, isla markaana ka cabsaneyso hadii ay ku laabato Muqdisho la dilo.

“Walahi Muqdisho waxaa u imaan waayay, aniga hanti ku lahaa, Guri ku yaal Baar Ubax waa la iga heystaa, hadii gurigeyga firaaqoobo waa imaanaya, meel aan ka jeclahay ma jirto Muqdisho, waa meeshi aan fanka ka bilaabay, waxaa ka baqaya in la igu dilo aqalkeyga marka aan iraahdo gurigeyga ha leyga baxo”ayay tiri Fanaanada Maryan Mursal Ciise oo la hadashay Radio Kulmiye ee magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Tarsan ayaa sheegay in Maryan Mursal hadii Muqdisho timaado muddo shan maalmood gurigeeda ay ku dageyso, isla markaana looga bixinayo.

“Maryan Mursal hadii ay timaado shan maalmood ayay gurigeeda ku dageysaa, qof walba oo Soomaali sidaas ayuu u helaa, qof u gaar ah ma jirto, xataa hadii uu Soomaali aheyn, hadii Hindi yahay, Pakistan yahay ha soo noqdo gurigiisa waa helayaa”ayuu yiri Maxamuud Axmed Tarsan.

Dad badan oo qurbaha u qaxay kadib bur burkii dowladdii dhexe ayaa guryahooda xoog lagu degay, waxaana guryo badan oo xoog lagu heystay suura galay in laga saaro sanadkii 2006-dii, markii Midowgii Maxkamadaha Islaamka ay la wareegeen Koofurta Soomaaliya.

Laakiin xilligan oo dowlad aan KMG aheyn u dhalatay Soomaaliya ayaa waxaa isa soo tarayay dadka ku doodayay in guryahooda xoog lagu heysto.














_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog