Kampala
oo ah xarunta Uganda waxaa lagu wadaa in mar kale lagu martigaliyo ciyaaraha
kubadda koleyga ee wiilasha iyo hablaha magaalooyinka Bariga iyo Bartamaha
Afrika kaasoo sanadkiiba mar ay qabtaan xiriirka kubadda koleyga Africa ee Zone
V.
Ciyaarahaan
sanadkii 2011 waxaa Soomaaliya ugu qeyb galay koox wiilal kubadda koleyga ah oo
ku ciyaarayay magaca Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya halka 2012 ay ugu qeyb
galeen 2 kooxood oo wiilal kubadda koleyga ah oo ku kala ciyaarayay
magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa.
Madaxa
suuqgeynta iyo warfaafinta xiriirka Zone V Africa Eng. Baana Abdalla Ali ayaa saxaafadda u sheegy in sanadkaan ay tiro
aad u badan oo kooxo ah ay ka qeyb galayaan Ciyaaraha marka la barbardhigo
sanadkii hore.
“Dalalka
qaar illaa iyo 4 kooxood ayaa ugu qeybgalay ciyaarahaan, Soomaaliyana waxaan ka
rajeynayaa in kooxo badan ay sanadkaan ugu soo qeybgalaan, walow aan ilaa iyo
hadda la xaqiijin ka qeybgalka Soomaaliya” Ayuu yiri Baana Ali.
Ciyaarahaan
ayaa lagu wadaa in ay Kampala ka furmaan 29 April, iyagoo socon doona 6
maalmood ah.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com