Xariirka
qoys ee ku dhisan kalgaceylka iyo naxariista waa riyo qoys waliba uu ku taamayo
hadadba hadaad xariirkaada qoyska ku argto afartaan arin ogoow bur bur ayaa
kugu soo socda.
Khilaafaadka
Badan : in ay dhacaan khilaafaad iyo mushkilado waa iska arimo dabeeci ah balse
hadii ay noqdaan wax joogto ah oo qeyb ka ah noloshiina oo sabab la`aan aad
isku khilaafeysaan oo midkiina midka kale uu ka sugayo eray kicin kara
mushkilad taasi lama dhihi karo waa middii caadiga aheyd ee waa calaamad
muujineysa khatar ku soo wajahn xariirkiina qoys ee u sitaaga sidii aad uga hor
tagi laheydeen.
2-
In uusan jirin rabitaan dhanka sariirta ah: kulanka macaan waa mid ka mid ah
tiirarka ugu waa weyn ee qoyska iyo jiritaanka jaceyl ee ka dhaxeeya labada
lamaane , xariirka sariirta waa mid farxada siiya labada lamaane .
Hadaba
hadii sabab la`aan looga caago iyana waa calaamad muujineysa khtar albaabka
idin soo garaaceysa ee wada hadal l toos ah yeesha oo ka xaajooda waxa arintaan
keenaya .
3-
Wadahadalkii oo daaqada ka baxa : wadahadalka iyo xariirka ha ahaado hadal ama eegmada
kalgaceylka xanbaarsan ama erayada macaan ee xod-xodashada ah waa as-aaska
labada lamaane ,waa dhici kartaa marar murago iyo dhibaatooyinka nolosha
keenayaan in wadahadlkii yaraado .
Midda
ugu daran waxa ay tahay in labada lamaane laga waayo dhamaan noocyadii xariirka
oo midba gooni u go`o tanna gambaleelka halista ayay soo garaaceysa ee dib
isugu laabta.
4-
In shaki Yimaado: as-aaska tiirarka qoyska waxa uu yahay kalsooni labada dhinac
is weydaarsadaan taasina farxadda qoyska ayay ka qeyb qaadneysa hadaba
calaamadaha kala shakiga hadii ay soo baxaan Virus cusub ayaa soo galay
gurigiina ee Anti Virus u adeegsada oo kalsoonida hala soo celiyo.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com