Si
loogu guuleysto xariirka qoyska waxa uu u baahan yahay dadaal badan , si aad u
noqoto xaas wanaagsan oo lagu daydo waxaa haboon in aad diyaar u noqoto in aad
ninkaada dareensiiso jaceylka wax ayna alcarabiya ku siineysa talooyin ee si
wacan u qaado.
Ahaaw
Mid Runleey Ah : Dareemaha runta ah ayaa ah siyaasada ugu fican ee nolosha
qoyska , ha adeegsan habka aan qayaxneyn oo ha doonin in ninkaada dareemo waxa
adiga maskaxdaada ku jira ee hadii ay jiraan wax ku dhibaya si saraaxad ah ugu
sheeg si uu kuu farxad giliyo , balse ha ku dhaganaanin in ninkaada indhahaada
aqristo taas waa lagu wareerayaa.
Ahaaw
Mid Naxariis Badan : Marka aad labadiina wada joogtaan u muuji jaceylka iyo
qadarinta aad u hayso tani farxad ayuu ka sii qaadayaa .
Ku
Tix Gili Waxa Uu Dartiin U Qabanayo : Haddi Ninkaada yahay mid maalintii dhan
shaqeeya gurigana imaanaya isaga oo daalan dhib ha sii gilin oo ganuunac iyo
dalabaad haka hor geyn balse dareensii deganaasho oo hadalo macaan iyo mahad
celin ka hor geey .
Diyaar U Ahaaw
Tanaasulaad : Mar waliba kuuma suura galeyso in aad hesho wax waliba aad
dooneyso , waxaa muhiim in midkiina diyaar u ahaado tanaasulaad si midka kale u
raali giliyo si mushkilado looga fogaado
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com