Nin ayaa habeenkii xalay ahaa
magaalada Hargeysa ku dilay xaaskiisa iyo caruurtiisa, isagoo isu geystay
dhaawacyo ay mid yihiin xubinta taranka oo uu iska jaray.
Ninkan oo haatan lagu daaweynayo
Isbitaalka Guud ee magaalada Hargaysa, ayaa waxa uu toorey qoorta kaga jiray
laba caruura oo uu dhalay iyo xaaskiisa oo uur lahayd sida uu warbaahinta u sheegay
maamulaha isbitaalka Hargaysa Axmed Daahir Aadan.
Taliyaha ciidanka booliiska ee
Somaliland Cabdullaahi Fadal Iimaan, ayaa sheegay in ciidamada amaanku ay
barayaan dhacdada, islamarkaana ay ciidamo ka tirsan booliisku ninka ku ilaalinayaan isbitaalka.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
