Haweenay
u dhalatay Dalka Shiinaha islamarkaana Gabar yar ah ayaa waxaa wacad ay ku
martay in aysan nin guursan doonin hadii xitaa
ay dhacdo in lagu qasbo.
Hawenaydaan
oo ah 23 jir ah ayaa sheegatay in ay sababta ugu dhaaratay in ay nin guursato
ay tahay kadib markii ay waysay wiil ay
in muddo ah is jecelaayeen isla markaana in muddo ah isla socdeen.
Gabadhaan
oo magaceeda ku soo kobtay Hiin ayaa
wargays ka soo baxa dalka shiinaha u sheegatay in hadii xitaa waalidiinteedu
isku dayaan in ay si qasab ah nin ugu guuriyaan aysan aqbali doonin .
Hiin
ayaa waxaa ay ku nooshahay Tuulo yar oo ku taala Waqooyiga wadanak shiinaha
waxana ay hada dagantahay kaligeed guri biyo laa’an ah sidookale aan koranto la
heyn waxaana waalidiinteedu ay sheegeen in ay gabadhooda ku arkeen cilada ah in
aysan ahen sidii hore xaga hadalka iyo la dhaqanka dadka tan iyo wixii ka
dambeyay marki uu shil gaari ku geeriyooday wiil ay aad u jeceleed.
Ugu
dambeyntii gabadhaan ayaa sheegatay in ay waysay iftiinka nolasheeda haatan ay
ku nooshahay nolal cariiri ah ayna balan ku qaaday in aysan nin dambe la hadli
doonin maadaama ay waysay qofkii nolasha ugu qaalisanaa.
Arintaan
ayaa ah mid si aad ah uga yaabisay dad fara badan oo gabdhaas arkay waxana inta
badan dadka qaar ay aaminsanyihiin in ay ku saxantahay go’aanka ay qaadatay
arimaas.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
