Haweeney u shaqeyneysa mid ka mid ah Hey’daha sama falka Turkiga oo saaka Muqdisho lagu dilay

Saturday, March 23, 20130 comments


Kooxo Bastoolado ku hubeysan ayaa saaka ku dilay degmada Dharkeenley Haweeney u shaqeyneysay mid ka mid ah hey’adaha sama falka ee Turkiga laga leeyahay, iyadoo kooxihii dilka fuliyay ay baxsadeen.

Haweeneyda oo magaceeda lagu soo koobay Seynab ayaa waxaa toogasho ku dilay labo dhalinyaro oo bastoolado ku hubeysnaa, lamana oga sababaha loo dilay iyo cida ka dambeysay.

Gudoomiyaha degmada Dharkeenley Macalin Cabdulle Cali Hilowle ayaa sheegay in kooxo hubeysan ay ku dileen waaxda afaraad ee degmada Dharkeenley haweeney hey’ad u shaqeyneysay, isagoo wax laga xumaado ku tilmaamay.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in ciidamada booliska ay ku wargeliyeen inay baaritaan ku sameeyaan, isla markaana ay daba galaan kooxihii dilka ka dambeeyay, isagoo tilmaamay inay ka war sugayaan natiijada baaritaanka.

Dilkan ayaa noqonaya kii u horeeyay noociisa ee ka dhaca degmada Dharkeenley, iyadoo horaantii bishan gabar dhiganeysay mid ka mid ah jaamacadaha lagu dilay degmada Wardhiigley, waxaana beegsiga lagu haayo haweenka uu cabsi gelinayaa haweenka u shaqeeya dowladda iyo hey’adaha.













_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog