Iga Raali Ahow Hadii aan Ku Qayaanay Calafka ayaa Wax Waliba Ka weyn(Qiso Murugo Badan)

Saturday, March 16, 20130 comments


Dhacdooyinka Jaceylka Ma’ahan kuwa kaliyah ka dhex dhaca Magaalada aad dagantahay & Guud ahaanba Dalka aad ku nooshahay waa kuwa daafaha dunida maalin kasta ka dhaca balse Dhegahaagu Maalin uun ay goob joog u ahaadaan Dhagaysigooda.

Idiris oo ah Wiil Soomaaliyeed oo ku nool Dalka Greece ee qaarada yurub ayaa qeyb ka galaya Xasuus qorka Jaceylka kaasoo dhawaac halis ahi kasoo gaaray Arimo la xariir Jaceylkiisa.

Dhibanahan oo aysan suurta gal noo noqon xariir rasmi ah la sameysno ayaa ilo ku dhaw dhaw waxa ay noo xaqiijiyeen inuu si daran ujeclaa Gabadh Soomaaliyeed oo iyadu ku nooleed Dalka Norwey , Idiris ayaa xariirkiisa soo bilaabay Sanadii 2007 isagoo Joogay Magaalada Adis Ababa ee dalka Ethiopia.

Mudo dheer kadib waxay gabadhani kuwada xariiri jireen aalada Internetka “MSN” marxalado kala duwan oo uu soo maray idiris waxaa ay wada balameen gabadhi oo Sanadii 2009kii Nolol ka bilaawday barta ay hada joogto kuna balameen ineey nolosha wada qaadan doonaan.

Ugu danbeyn Idiris waxaa ku adkaatay sidii uu ku tagi lahaa barta ay ku nooshahay Maadaama gabadhu aysan heysan Dhaqaalo ku filan Reerkeeda & Isagaba waxaana lagu balamay in hadii uu yimaad dal kamid ah Qaarada yurub ay sahal u noqon doono midoowgooda.

Dhamaadkii Sanadkii 2011 waxa uu Idiris kasoo baxay East Africa isagoo wadamo badan oo Aasiya ah tahriib kusoo maray si uu mar uun u yimaad Turkey oo uu uga sii gudbay Greece , Balse Nasiib daro Idiris oo nolosha uu rabay usoo carfeeyso ayaa mar qura jawigu is badalay Newbanaadir.com  na ka war heshay sidaan .

Waxa uu Habeen habeenada kamid ah ku arkay Facebook-giisa Sawirka Wiil ay saaxiibo ahaayeen oo si lama filaan ah usoo wada galeen Lamaantiisii , kuwaasoo qaab Nin iyo Naagtiisa camal ah usawiran.

Si huleel ah ayuu Taleefanadooda uwacay see wax ka jawaabaya malahan habeenkii oo idin hurdo way ka imaan weysay Galabtii xigtay ayuu qadka ku arkay Gabadhii isagoo weydiiyey Su’aalo dhowr ah iyo sida ay ku dhacday in ay Dumaashigeed sidaas ugu dhag dhagto.

Waa Maxay Sawirkaan aan arkayo?
Maxaa keenay in Wiilkaan kuu baray Dumaashi ahaan aad sidaan iskugu dhagtaan?

Waxa aan Facebook-ga ku arkayo ma Runbaa..

Sidii looga aamusnaa mudo ayaa markii danbe lagu yiri waxa aad arkeyso oo idil waa wax run ah Iga raali ahaaw hadii aan ku qiyaanay si ula kac ah umaan sameyn balse Calafkaa mar walbo awooda leh.

Waxaa idiris laweynaaday hadalka loogu jawaabay iyo waxa uu filanayay wuxuu hubsiino ugu dhaqaaqay arinkii oo waxa uu wacay Gabadh ay Saaxiibo ahaayeen Lamaantiisa , waxay u cadeesay in wax walbo ay run yihiin balse ay ka war heshay Labo habeen kahor inta uusan Meherkooda dhicin.

Idiris markii uu intaasi ka war helay isagoon taleefanka damin ayuu Balakoonka Dabaqa uu daganaa Si waali ah iskaga soo tuurtay Hal mar ayeey saaxibadiis oo Shan ahaa ka war heleen Qeyladiisa inta uusan istuurin hadii ay soo baxeen waxay hoos ka arkiin Saaxiibkiis oo dhulka yaal.

Gurmad deg deg ah kadib waxaa idiris lageeyey Isbitaalka si loogu Dabiibo xanuunkiisa , waxa uuna ka jabay Labadiisa Lugood iyo Gacan inkastoo Sintana tarar ka galay ,

Idiris oo awalba Rafaad badan & Tahriib usoo marayay sidii uu ula kulmi lahaa gabadha ayeey markani Rajo La’aan & Caafi mahad la’aan ka dhax lay xariirkiisa oo uu soo waday Shansano iyo Bilooyin.

Dhacdooyinka Nuucan oo kala ah Soomaalida kuma aysan caan bixin balse waxaad moodaa in Jaceylku mararka qaar kaa dhigayo qof waalan , Hadii aad Jeclaan Lahyd inaad hesho Bartii aad kala xariiri Lahyd Dhibanahaan iyo hadii aad jeclaan laheed Saacidaadiisa Fadlan Fariin Noogu soo dir Cinwankeena Hooos ku qoran Mahadsanid.












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog