Waa barnaamijkeenii xiisaha lahaa ee
( ila Tali )
kaasoo aan aalaaba kusoo bandhigno
talo weydiisasho inaga soo gaarta
qaar badan oo ka mid ah
aqristayaasheena sida weyn ugu xiran Webkan newbanaadir.
Maanta waxaan idiin soo gudbineynaa
qiso ay inoo soo dirtay
gabar ka mid ah hablaha fariimaha
inoo soo diray
qisadan oo run ahaantii xanuun iyo
murugo qoys xambaarsan
ayaana sidaan u qorneyd markii ay ina
soo gaartay:
————
Waxaan ahay marwo la qabo ku dhawaad
muddo 1 sanad ah
run ahaantii markii aan guursanayay
seygeyga ma aheyn
dareen rasmi ah iyo jaceyl aniga iga
soo go’ay
balse waxaan ku raacay waalidkey oo
igula taliyay awgeed.
Waxaan u guri galay nin aanan
dabcigiisa iyo dhaqankiisa waxba kala socon
waxaana isku dayay inaan nolol cusub
oo farxad leh taasoo aan dhamaan la bilaabo
bilooyinkii hore sida reer walboo isku
cusub caadada u ahba
waxa uu ii muujiyay xanaano iyo xiiso
gooni ah.
Balse mudo haatan la joogo 4 bilood,
ninkii wuxuu lasoo baxay
dabeecad aad u xanuun badan oo qof
kastoo dumar ah
aysan u dulqaadan karin isla markaana
qalbigeeda dhaawacaya.
Dhibka jira ayaana ah in uusan sidii
hore ii daneyneyn wax xanaano
iyo kal gacal ahna uusan ii
muujineyn,
balse hadii aan taas u dulqaadan
lahaa, waxaaba kasii daran
oo waran wadnaha iiga taagan igu
noqday markii aan dhowr jeer la kulmay
isagoo naago dhowr ah la
sheekeysanaya si qarsooodi ah,
Mararka qaar telka uu la dhuunto iyo
sidoo kale Facebook-giisa
oo aan wax badan kasoo ogaaday ayaa
ii cadeynaya in uu xiriir kale
si hoose u maleegayo, taasina waxey
igu dhalisay in dulqaadku iga guuro.
Haatan waxaan rabaa inaan furiin
dalbado, maxaa yeelay marnaba kuma qanacsani
noloshaan iyo ciriirigaan uu i
geliyay, iyo sidoo kale walbahaarka iga heysta
in uu naag kale iga dulkeeno.
Balse sidoo kale kuma dhiiran karo in
aan i fur dhaho nin waalidkey igu dareen.
Fadlan taladiina igu caawiya, waxaan
dareemayaa dhib iyo walbahaar.
Maxaan sameeeyaa?
Halkeen talo kaga hagaagaa?
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
