Nolosha aadmaha waa mid kooban
ubaahan in daryeel ay ku noolaato waxaana wanaagsan inaad mar walbo ku dabaqdo
wadooyinka uu Alle kuu jiheeyey waana hubaal inaadan marnaba ku qasaareyn.
Afar Sheey oo Noloshaada muhiim u ah
ayaan jecelnahay inaan kusoo bandhigno Maadaama newbanaadir.com looga bartay U
Adeegista Bulshada Soomaaliyeed.
GUURKA : Inta aad nooshahay waxaa
wanaagsan inaad guursatid noqotid mid wehel ku heysta anbaqaadka nolosha , Ruuxu
marka uu guursado ayuu noqdaa mid isku filan oo waxbadan qabsan kara.
CADAYGA : Nadaafadu waa waxa ay
Diinteenu na farayso waqti waliba waa inaad ka taxadartaa Ilaalinta Ilkahaaga
maadaama aad waqti walbo Adeegsato Afkaaga lana hor istaagto cid walbo oo ay
indhahaagu qabtaan.
CATARKA : Catarka oo isagana kamid ah
waxyaalaha jirka bini adamka lagu carfiyo ayaa aad uwanaagsan inaad ku dadaasho
is carfinta iyo qaabeeynta jirkaaga iyo Dharkaagaba.
XISHOODKA : Xishoodka waxa uu kamid
yahay waxyaalaha noloshaada ugu muhiimsan , hadii aadan xishood lahyn Bulshada
qiimeyn kuma lihid xishoodkuna waa sheey aad qaali kuuugu ah , waqti walba ku
dadaal inaad ka xushmad iyo xishood kula dhaqanto Bini adamka.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
