Ila Tali:-Asc Bahda Shabakadda newbanaadir.com marka hore salan iga Gudooma mida xigta newbanaadir.com waxa an idinka bahanahay tala cilin taladaso ah wil ayaan facebook iska baranay wilkaso ku nool uganda anigane mareykanka.
Wilkan 6 bil ayaan is naqana 4bilod waxan eheyn Dad Walaaltinimo Ka dhaxeyso kadib ayan aniga jaceyl iska daremay , Balse Marka hore waxan isku dayay inan ogado inu qofkale jeceyl yahay iyo inkale, Hayeeshee waxan ogaday in gabar kale uu Jecel Yahay balse u gacanta ku haynin oo wa hore ugu war danbeysay.
Dhor mar ayan dhahay abowe hadey hadda kuu so labato ma rabta, ha ayu igu yiri kadib waxan isku dayay inaan jaceylkeyga ushegto oo fahmsiyo asigane waxan ogahay inusan waxbo iga didi karin kadib wan ushegtay wu iga aqbalay 4bilod walaltinimo aya naga dhaxeysay hada laba bilod ayu jeceyl kena socda ee waxan layabanahay aya waxey tahay hadi an farimo udiro igama so jawabaayo hadi an telefonka ka waco wuxu leyahay yah maxa dhahday kuma maqlo ee kheyr ayan ku rajena.
marka hoyadey ayan la tashtay waxe igu dhahday gabadheydiyey iskada oo meshan aya niman ku raban jogan marka si walbo hadi an ula hadlay waxo ileyahay waxbo majiran farimaheygane kama jawabayo telkane warkisa da awal ne ad ayu ijeclay marka / xili dhaw ban ogaday gabadha ujeceylyahay ine tahay gabar abtigey dhalay Waxa ayna ku noshahay norwey marka wa idin baryaa maxan sameya Newbanaadir Qaasatan Muumin Talo Celiye plz talo isii hoyadey waxe dhahda ishwaqey iskada ninka nin ku rabo ma ahane.
Talo Celin:-
Marka Hore Waan Ku Salaanay Walaal Salaan Ka Dib, Hadaan Jawaabta Taladada Horey u Galo, Ruuxa ad Jaceylka u Bandhigatay Maaha Runtii Ruux Kusoo Jeeda Sababtoo ah Sida qoraalkaaga Ka Muuqata Ma aha Ruux Ku qiimeynaaya oo Markaad Wacda waxa uu Ku Leeyahay kuma maqlo maxaad i Tiri Isaga oo Kuula Hadlaya sida Habka Dhagoolayaasha.
Teeda Kale Markaad Fariin U qortay Kuuma soo Jawaabo Sida aad Sheegtay, intaas oo dhana Waxa ay Cadeyn u Tahay Calaamadaha Lagu Garto Ruuxa Aan kusoo Jeedin ilaa Soomalida Waxa ay Tiraah Qof soo Jeeda Lama La Toosin Karo, Laakin Qof Hurda Waa La Toosin karaa ee Marka Ninka aad Sheegeyso kuuma Soo Jeedo, ee inteey Goori Goortahay isku Day Inaad Ruux Ku Doonaya aad Raadsataa, isna aad u Deyso Ina Abtidaada u Jecel Yahay.
Taladaas Waxaa La Siiyay Gabar Warqad Nooga Soo Qortay Dalka Mareynaka
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com