waxaana
cod dheer ku leeyahay ma jiro Jacayl, haddii uu jirana waa mid ku dhisan
danaysi, tusaalaha qeylo dhaanteydana ila arka, runtana ka sheega,
akhristayaasha ayaana xaqsoorayaal ah ee garsoor dhab ah ka noqda
akhristayaashow, waana tan qisadii:
Waxaan
is baranay wiil dhalinyaro ah xilli aan arday kawada ahayn iskuul Luqadaha lagu
barto, aniga waxbarashadii meel dhexe ayaan uga haray, laakiin isagu in muddo
ah ayuu sii waday ilaa uu heer wacan ka
gaaray.
Wiilku
wax shaqo ah ma heynin oo wuxuu la noolaa reerkiisa oo iska liitay, laakiin
aniga shaqo ganacsi ayaan ka bilaabay Suuqa Bakaaraha, inkastoo waalidkey ay
lahaayeen lacagaha aan ku shaqeynayay haddana waan u madax banaanaa, maadaama
aan si daacad ah u shaqeeyay oo dhaqaalo badan aan reerkeena soo geliyay waana
la i aaminay oo talada guriga iyo midda ganacsiga ayaan kaalin weyn ku yeeshay.
Wiilkii
aanu is jeclayn oo isagu aanu wax shaqo ah heynin anigaa lebiskiisa iyo
tarisboorkii dabari jiray oo inuusan asaagiis ka liidan ka shaqeeyay, isaguna
aad buu ii jeclaa runtii, anna daacadnimada aan ku arkay ayaa i gaarsiisay
inaan si gaar ah uga taxadaro.
Kol
dambe ayay reerkeygu igu soo hadal qaadeen guur, waxayna i saareen cadaadis ah
inaan guursado, laakiin waxay ku fiicnaayeen nin ayaan kuu heynaa ima aysan
dhahaynin oo way i qadarinayeen, inaan aniga keensado ayayna iga sugayeen.
Waxaan
go’aan iskey ah ku gaaray in wiilka aan jacayl wadaaga nahay si uu noqdo mid
mustaqbal leh inaan dhaqaalo u abuuro, waxaan kula taliyay inuu ganacsiga ku
soo biiro, laakiin wuxuu ii sheegay inuusan ganacsi waxba ka aqoon, wuxuuna igu
yiri Sacuudiga ayay saaxibaday u wada bexeen oo halkaas ayay shaqo ku heystaan,
haddii aad Tikid ii heli karto halkaas ayaan inooga soo shaqeynayaa oo wixii
aan shaqeeyaba adigaan kuu soo diraa ee noo aruuri, kadib Sacuudiga ayaan u
diray anigoo bixiyay qarashka diyaaradda uu ku raacay.
Run
ahaantii wuu dedaalay oo bilihii ugu horreeyayba lacag fiican ayuu soo diray,
anna waan u keydiyay, Labo sano markii uu maqnaa ayuu dib u soo laabtay isagoo
isku filan, waxaana lacagtiisa ugu daray shirkad sanadkiiba dhaqaalo buuran uu
ka helayay.
Nasiibkeenu
markaas wuu fiicnaa oo wiilkii reerkeena ayuu iga soo doontay, aroos wacana ii
dhigay, anna qeyb baan ku lahaa arooskaas iyo qaabayntiisa, laakiin maxaa
dhacay.
Sanad
iyo bar markii aan is qabnay, isla markaana aan wax uur ah weli u qaadin ayay
fowdo iyo buuq inaga dhex oogantay, dad ehelkiisa ah ayaa hadallo doc ka
yeernimo ah igu bilaabay, isna warkooduu dhegta u dhigay, waxayna dadku ku
dhahayeen Naagtan ma dhashada ah maxaad waqtigaaga isaga luminaysaa, ma gablan
inaad noqotid baad rabtaa iyo hadallo kale oo kala geysnimo ah.
Aniga
mar waliba qalbiga ayaan u dajinayay, waxaana dareensiinayay in Ilmaha uu
Ilaahay bixiyo ee qofna uusan gacantiisa ku samaysan karin, laakiin weji fiican
kama dareemeynin oo nin jecel in ilmo aan u dhalo, haddii kale aan baabi’ino
jacaylkii aan sharkada ku ahayn ayuu u muuqday.
Sanadkii
Labaad markii uu inoo buuxsamay ayuu ninkii igu bilaabay hadallo gunuunac ah,
labo sano ayaan is qabnaa wax ilmo ahna nooma aysan dhalan ee maxaan sameynaa
ayuu mar waliba i dhahayay, anna waxaan ku dhihi jiray aniga iyo adiga jacayl
baan isku guursanay, ballantii guurkeenana ma ahayn ilmo iyo arrimo kale oo wax
shuruud ah ku xirneyn, ilmo dhalinstuna waa awood naga weyn oo dadna Ilaah ilmo
wuu siiyaa, dadna ma siiyo oo gablan ayuu ka dhigaa, taasna waa mucjisada iyo
cibaaro-qaadasha Alle, samir baa nalooga baahan yahay ee Jacaylkeena mugdi
hanaga gelin ayaan ku guubaabin jiray.
Labo
sano iyo bar markii aan is qabnay ayuu igu yiri “Walaalay samirkii wuu iga sii
dhammaanayaa, aniga Ilmo doon baan ahay naag kale baan guursanayaa haddii aad
sidaas raali ku ahayna waan ku furayaa, markiiba furiin afkiisa uu soo mariyay
ayaan anna ka quustay oo murugi ii soo hoyatay, waxaan ku iri “Walaal aaway
jacaylkii iyo waqtigii dhibka badnaa ee aan isla soo qaadanay” wuxuu igu yiri
“Jacayl ma jiro wuuna jiraa, Jacaylka jira waa mid dan ku xiran, haddii Ilmo la
waayo jacaylka daaqadda ayuu ka baxayaa”.
Yaab
iyo amakaag ayaa ii yimid waxaan xisaabiyay Todobo sano oo jacayl aan soo
jilaynay iyo saddex sano oo aan is qabnay, sanado iga qasaaray inay ahaayeen
ayaan qalbiga ku qoray, waayo hadduuba jacaylku danaysi yahay maba aan jileen,
waqtigeyga qaaliga ahna isagama lumiyeen, kadibna wuu iska kay dalaaqay,
kadibkiisna ma aanan haweysan nin kale oo 7 sano ayaan hadda garoob ahay, marka
waxaan cod dheer ku leeyahay Jacayl ma jiree danaysi baa jira.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com