Guurka Muqdisho iyo Galbiska Gawaarida Oo Galbahii Muqdisho is qabsada (Daawo)

Saturday, March 16, 20130 comments



Magaalada Muqdisho bilihii lasoo dhaafay waxaa si aad ah usii kordhayay aroosyada iyadoona galab walbo laamiyada Magaalada Muqdisho lagu arko gawaari badan oo aroosyo galbineysa magaaladana dhax wareegaya.

Dadka aroosaya ayaa u badan dhalinyarada Magaalada Ku dhaqan oo inta badan helay shaqooyin ee noloshooda ku maareeyaan , kuwaa oo durba noloshooda isbadal ku sameeyay lana aqal gala lamaanayaashooda ee waayo wada socdeen.

Sidoo kale Aroosyada ku soo kordhay Magaalada Muqdisho waxaa sidoo kale qeyb lixaad leh ka qaata Qurbo joog lacag badan wata kuwaa oo Magaalada badi u yimaada sidii ay ugu guursan lahaayeen maalin walbana mid cusub uu magaalada ku guursado.

Aroosyada kusoo badanaya Magaalada Muqdisho ayaa loo sababeenayaa amaanka Magaalada oo soo hagaagay iyo dhalinyarada oo inta badan helay shaqooyin ee noloshooda ku maareeyaan taa oo jecleesiisay Dalkooda iyo in Mustaqbalkooda dhistaan.
























_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog