Jihaadkii Baararka iyo Basaska Bulshawaynta Lagu Laaya Shacabka Soomaaliyeed iyo Bur burinta !!

Tuesday, March 19, 20130 comments




Jihaadkii BAARARKIYO, Basaskaa bulshawaynta,

Baallayaasha nalalkiyo, Taraamuusta Barafka,

Beeraha baaxadda wayniyo, Xeebaha barbaartu ka buuxdo,

Wax kastoo baraare horseedi, Waydinkaa beegsanayee,

Maxaa baaruudiyo qiiqa, Loo baday ooy bi’iyeen?

Baaxad soore waa Ilaahoo, Wax kasta waaka bayaanshay,

Xalaashu waa bayaan, Oo xaraantu waa bayaan,

Ee Berimay diintu bannaysay, In bun aan looga dhimaynin

Oo birtiinna la saari, Ruux kastoo u bareera,

Fikirkiina beleeysan?

Makhaayadii laga buuxay, Baabuurtii baalka maraysay,

Baskii bii-elku fuulay, Maxaa bamkiina u geeyay?

Odaygii biilayay reerka, Binti beerku la jiidmay,

Ilmeheeda busaylsan, Ooy busaaradi hayso

Yaa dilkooda banneeyay? Oo halla baaba’sho jeedshay?

Billaahiye haw bareerin, In Fardoowso ballaarani

Ay been been ku imaani, Oo janno uu u baxaayo,

Ninka bulshadiisa basaastay, Ooy birtu baaqi ka reebtay,

Nabadooda bakhiili oo, Balanbalku yaanu dhamaanin,

Wanaag yaan lagu baaqin, Horumar yaanu bidhaamin,

Oo Dhiiggu hayska butaaco, U bireeyni dadkiisa.!!


Waxaa Tiriyay: Maxamed Xaaji Xuseen Raage

Farriin-Danabeed: maxaaji@hotmail.com

Gothenburg, Sweden
















_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog