Marka hore waxaan salaamayaa shabakada newbanaadir iyo hawlwadeenadeeda, iyagana waxaan salamayaa dadka akhristayaasha ah, waxaan si gaara u salaamayaa Hablaha Somaliland ku nool ee sida tooska ah u suga maqaaladayda, kana faaiidaysta, anigoo walaalo idiinka mahadcelinayana Email-ada salaanta iyo sharafta badan ee aad ii soo dirteen.
Waxaad mooda inaan imakuun guda galay quruxdii dabiiciga ahayd, daryeelkii jidhka dumarka, runtii jidhka dumarku wuxuu u bahan yahay in la daryeelo had iyo jeer, ilaalinta quruxda dabiiciga ah ayaa aad u muhiima in la ogaado waxyabaha dhibta u keenaya wajiga dumarka , Iaydoo marnaba qoraaladayda aanay ka maqnaan doonin kemikalku waxay ku jirto, runtiina ay tahay inaan idin xasuusiyo markasta dhibta ay keento.
Manta waxan jecelahay inaan ka hadlo laba jidh oo kala duwan, se waxaan idin soo horaysiinayaa arrin aad u muhiim ah oo aanay habluhu aqoonba u lahayn, sida dadka ku nool dhulka cadceeda kulul, oo xaqiiqdii sidaan qabo cid isticmaasha ama ka ilaalisa wajiga cadceeda anay jirin. Iyadoo sababtu tahay dadka soo dajiya kiriimiska la marsado aanay wax aqoon u lahayn wax la idhaahdo (skin care products) , se waxa fiican inay tababar u diraan shaqaalahooda si ay u soo bartaan kiriimiska kala duwan, ugana faiideeyaan hablaha macaamiisha u ah. hadaba arrintan ayaa ah habloow mid aad idiinku muhiim ah hadii aad heli kartaan qofkasta meel uu ka raadsado kiriimiska loo yaqaano (sun cream) ayaa ah wax cadceeda idinka celin lahaa. Cadceedan ayaa ah mid cadaw u ah waji kasta, waxaana ku dhaca dhabanada wajiga falaadhaha cadceeda ee loo yaqaano (UV), falaadhahan ayaa ah kuwo dhib aad u badan ku haya hablaha ku nool dhulka cadceeda badan, cadceedan ayaa faaiido iyo dhibataba u leh jidhka bini aadamka, ta faaiidada hadan soo qaato jidhku wuxuu ka helaa (Vitamin D) wax loo yaqaano, wajigana dhib wayn bay u gaysataa hadii aan loo isticmaalin (UV Protection or Sun Creams).
Cadceedan ayaa aad loogu darsadaa faaiidadeeda sida hablaha ku nool qurbaha dhulka qaboobaha,waxa ku timada dadkan dhibaato ku dhacda jidhka iyo dhiigagaba oo ay sababto caafimad daro ka timaada cadceed la’aan, ka bacdina fitamiin dhii koodu noqdo (Low Vitamin D Levels).
Hadaba, walaalo habloow hadaad awoodaan, waxad wadankeena aad looga bahanyahay inay dumarku ogaadaan inuu wajigu u bahanyahay wax cadceeda ka celiya markuu qofku u baxayo banaanka, hadii ay suurta gal tahay iyadana u dirsada dhulka carabta ee idinku dhow!…
Qoraalkaygan maanta ee ay ku jirto dhibta cadceedu, waxaan oga dan leeyahay waxaa ila soo xidhiidhay hablo aad u badan oo dhamantood wajiga hadh kaga dhacay, hadhkana nooca ugu badan bay cadceedu caan ku tahay oo ay ku samaysaa wajiga, taasoo loo yaqaan (sun damage).
Waxan idiin rajaynayaa inay habloo dhami arkaan maqaalkan manta, waayo waxa aad u muhiima inaan idin baro ama idinku soo kordhiyo inaad isticmaashan kiriimiskaas cadceeda loogu tala galay, oo aad ka faiidaysataan qoraalkan!
Hadaba aan ku soo noqdo qoraalkaygii ku saabsan jidhka noocyadiisa, Manta waxan idiin hayaa jidhka qalaylka ah iyo jidhka caadiga ah, (dry skin type & normal skin type), hadaan soo hor qaato jidhka qalaylka ah, jidhkan qalaylka ah ayaa ah mid lagu garto ingayg badan oo dhabanada ah, wajiga oo noqda wax loo yaqaano (tight skin), fooda oo had iyo jeer qolofi ka kacdo, basaas badan iyo dadka qaar oo dareema cun cun dhabanada ah. Iyaguna waxa jidhka engayga badan leh, gacmaha, xusulada, kubka . waxa kaloo jidhkani dhib soo gaadhsiiya cidhbaha cagaha oo iyaguna xoog u qalala, oo uu qofku yeesho wax loo yaqaano safanta.
Hadaba, jidhkan dhibta ugu wayn ee qalaylka ku keenta waxa weeyi jidhkoo ooman aadna u qalala, (dehydration skin). Jidhkan ayaa ah mid hadii la ilaaliyo xaladihiisa cunto, biyo, iyo waxyabo markasta la mariyo oo jidhka lagu duugo uu qofku ka bad baadaa dhibatooyin badan oo uu can ku yahay jidhkani, sida gabowga deg deg ah ee kaga dhaca dumarka wajiga ee loo yaqaano (wrinkles). Jidhkan ayaa ah mid ay sababaan had iyo jeer, qaboobga badan, kulayl ka badan, ama xaalad cafimad daro awgeed. Qofka jidhkan ku yeesha xalad caafimad daro awgeed, waxa fiican in uu dhakhaatiirta kala tashado si uu helo waxyabo ka caawiya, kana joojiya qalaylka badan.
Jidhkan ayaa ka bad baadi kara mudooyin waxyaabaha habluhu marsadaan ee (mercury liquid) ku jirto, sababtoo ah wa jidh leh daldaloolo yar yar weeye (pores) , ka bacdina daldaloladan yar yari hore uguma gudbiyaan kimikalka jidhka hoose. Habloow arrintani ha u qadanina inaan idinkula talinayo wada waxa la isku cadeeyo.!! Sharaxaada jidhkan ayaa iila gashay waayo waxa jira hablo I waydiiyay su’aalo ah dadka qaar way ku quruxbadnaadan dawada waxbana ma yeesho!??? Markaa walaalo waxaan idin sheegayaa jidhkan oo kale dhibtu hore uma gaadho wallooow ay ku soo socoto oo jidhku u dabacsanaan doono si u qaato kimikalkaas.
Hadaba, jidhkan ayaa u baahan in mar walba wax la mariyo sida wajiga, gacmaha, iyo lugaha, way jiraan qofka waxyaabo cawin kara hadii uu cuno ama cabo. Waxa ugu badan ee caawiya jidhkan ayaa ah, qofkoo caba maalintii biyo aad u badan si uu jidhku u qoyo.
Hadaba waxyabahan ayaa cawin kara jidhka qalaylka ah ( for Dry skin type).
1. Afakadho oo in yar ah, (olive oil) iyo beedka inta cad ba la isku darayaa, ka bacdi wajiga oo la maydhay ba la marinayaa, 20 daqiiqadood ba lagu daynayaa. (facial Mask).
2. Cambe babaaya, sonkor yar iyo boraj, waa la isku wada daraya, borajka wa inaad biyo kulul ku shubtaa in yar, ka bacdina la isku wada qasaa oo wajiga la mariyaa, kani wuxuu dilaa jeermiska oo ka soo saara jidhka waxana loo yaqaana (face scrub).
3. Caano dhanaan, malab, beedka inta cad, iyo saliid yar. Waa la isku wada daraya iyagana wajiga ayaa la marinayaa. Dhamantood waxyabahan nusasaac ka badan kuma ooli karo wajiga.
4. Caano dhanaan, malab, iyo moos iyagana sido kale.
5. Biyo badan wa inuu qofkuu cabaa, jidhkan aad bay u caawiyaaan. Waxyabahan kor ku qoran oo dhan kolow waad garan kartaan inta wajiga ku filan mid kasta wax yar oo ka mid, ka bacdina in leeg inta qasil ahaan u marsataan oo kale, iga raali ahaaada qiyaasta oo dhan ma soo wada qori karo, waxan is idhi habluhu way garan karaan inta wajiga ku filan, gacmaha intii idinka so hadha wad u isticmaali kartaan, waloow liindhanaantu aad ugu fiicantahay iyaduna gacmaha.
6. Cuntooyinka nafaqadu ku jirto way u fiicanyihiin jidhkan.
7. Vitamin C— fitamiinkani wuu u fiicanyahay jidhkan wuxuna ka ilaaliya jidhkan inuu is badalo, (wrinkles) ama layn laynka ku dhaca dumarka oo yar yar wajigooda.
Jidhka caadiga ah hadaan isagana soo qaato, (normal skin type), jidhkani wa ka ugu fiican jidhka dumarka, waa jidh aan inta badan waxba noqon, wa jidh waxkastaa u dheeli tiran yihiin, waa jidh hadii loo isticmaalo wixiisa saxda ah rutnii sii qurux badnaada, markaa waa jidh aanay hore u gaadhin dhibta kimikalku, ama ay naasibto inta hore, wallow hadii lagu sii wado ay dhib u keeni doonto. Hadana wa jidh lagu garto waji dhalaalay, waligii finan yelan, wax dhib ahoo kale aan ku lahayn wajiga. Waa jidh had iyo jeer nadiifa , jilicsan, quruxbadan, dhalaala, dadka haystaana ay aad u nasiib badan yihiin.
Jidhkana hadii la ilaalin waayo, ama loo isicmaali waayo kiriimis u saxda ah, wuxu noqdaa aayar aayar dhabanada qalayl, fooda iyo gadhkana saliid, waloow dhib badan soo gaadhin hadana waxyabaha lagu garto mustaqbalka haduu is badalo ayaa ah noocan, ka bacdina qofka jidhkiisa ayaa noqda jidh magac kale leh oo loo yaqaaano (combination skin type) , waloow uu wali yahay jidh fiican hadii la daryeelo ilaalintiisa. Hadaan isku soo daro anigu shaqsi ahaan jidhkaasan leeyahay loo yaqaano (combination skin), waxaan qaba inuu yahay jidh fiican oo u dhaw ka caadiga ah. Jidhkan isku jira ayaan ahayn mid yeesha dhibaato badan sida jidhadhka kale. Dhibta uu leyahay ee kaliya ayaa ah gadhka iyo fooda hadii la ilaalin waayo waxa ku bataa wax loo yaqaano (T-zone) oo ah saliid fadhiistay.
Aan ku soo noqdo jidhkii caadi ahaa, wuxuu u baahanyahay jidhkani in habeenkii iyo aroortii markasta loo sameeyo wax loo yaqaano (facial cleanser), si aanu isku badalin waligii, runtiina la daryeelo. Hablaha ila soo xidhiiday ee haysta jidhkan caadiga ah waxaan idin leeyahay walaalo jidhka ugu fiican jidhka bini aadamka ayaad haysataan, markaa si fiican u ilaaliya waligiina isku daya inad marsataan wax cad ceeda idinka ilaaliya (sun creams)
Waxyabaha loo marsan karo jidhkan caadiga ah (for normal skin type):
1. Cambe babaaya oo kaligii la qasay, loona marsaday sida qasilka, 20 daqiiqadood
2. Liin macaan iyo tamandho la ridqay iyagana sido kale
3. Kaabash la ridqay oo isgana loo isticmaalay sida qasilka, kaabashkani wuxuu ka ilaaliya jidhka caadiga ah isbadalka ay ku keenaan saliida ama qalaylka ku dhaca meelo ka mid wajiga, ka bacdi biyo qaboob baa lagu maydhayaa
4. Beedka inta cad oo kaliyana sidoo kale, tiiyoo marsiga laga soo bilaabayo xaga sare ee fooda, indhahana laga ilaalinayo. Si waxyabaha kale oo dhan gadhka laga bilaabaya marsigooda.
5. Liindhanaanta oo biyo lagu kar kariyay, hadana la qaboojiyay oo lagu xoqo wajiga iyadoo loo isticmaalayo cudbi, liindhanaantani waxay fiicnaysiisa wareega dhiiga, ka bacdina jidhkani isma badalo qurux dabiici ahna wuu ka helaa…………………!
La soco todobaadka danbe!
Allaa mahad Leh
Amina Abdilahi Mohamed
Holistic therapist & skin specialist
Email: tipstechniquesskin@hotmail.com
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com