Dowlada iyo Ahlusana oo heshiis kala saxiixday

Wednesday, March 6, 20130 comments



Dowlada iyo maamulka culumaa’udiinka Ahlusuna ee gobolada dhexe ayaa kala saxiixday heshiis ay ciidamada Ahlusuna uga mid noqonayaan ciidamada qalabka sida.

Kulan saacado badan qaatay oo xalay degmada Cabuudwaaq ay ku yeesheen wafdiga uu hogaaminayo R/wasaare Saacid ee booqashada ku maraya gobolka Galgaduud iyo mas’uuliyiinta maamulka culumaadiinka Ahlusuna Waljamaaca ee gobolada dhexe ayaa lagu gaaray heshiis ku saabsan in ciidamada Ahlusuna ay si buuxda ugu biiraan ciidamada qalabka sida.

Dhinaca culumaa’udiinka Ahlusuna kulanka waxaa uga qeybgalay mas’uuliyiin uu ka mid ahaa gudoomiyaha golaha Fulinta, gudoomiyaha talada, iyo xubno kale oo ka mid ahaa maamulka Ahlusuna ee gobolada Dhexe, kuwaas oo muujiyay sida ay ula dhacsanyihiin heshiiska ay ciidamadooda ugu biirinayaan ciidamada qalabka sid.

Wasiirka Arimha gudaha iyo amniga Qaranka mudane C/kariin Xuseen Guuleed oo ka mid ah xubnaha wafdiga R/wasaaraha oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in wadahadaladani ahaayeen kuwo soo socday in muddo ah, balse sida uu sheegay xalay degmada Cabuudwaaq lagu kala saxiixday heshiis kama dambeeys ah, wuxuuna ku tilmaamay heshiiskaasi in uu yahay mid taariikhi ah oo dhabaha u xaaraya wadashaqeyn wanaagsan oo dowladu la yeelato qeybaha bulshada.

Gudoomiyaha gudiga fulinta ee maamulka Ahlusuna Cabdi Cali Fiidoow oo isna la hadlay warbaahinta ayaa soo dhaweeyay heshiiskaasi, wuxuuna  tilmaamay in culumaa’udiinka Ahlusuna ay u istaageen difaaca iyo ka hortaga dagaalada fidnada ah oo maleeshiyaadka Shabaabku ka wadeen dalka, isagoo hoosta ka xariiqay in ay dowlada ula shaqeeydoonaan si hufan oo wadaniyadi ku jirto.

Heshiiskan ayaa loo arkaa in uu yahay mid horseedi kara in dowladu ku baahdo dhamaan gobolada dalka si ay wax uga qabato amaanka guud ee dalka.










_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog