Ka Fogaaw Sameynta Qodobadda Soo Socda Inta aad ku guda-jirto Bisha barakeysan ee Shahrul casalka ah..

Saturday, March 9, 20130 comments


Barnaamijkaani waxa uu gaar u yahay Dumarka ama Hablaha Soomaaliyeed waxa aana uga hadli doona Qodobo muhiim u ah Dumarka kuwaasi oo loo baahanyahay inay ka fogaadan.

Cinwaanka aan qoraalka uga hadli doono waxa uu yahay (Ka fogaaw sameynta Qodobadda soo socda inta aad ku guda-jirto Bisha barakeysan ee Shahrul casalka ah). 

QODOBO MUHIIM AH UNA GAAR AH DUMARKA:- 

1- Haddii aad tahay Gabar ku dhiiratay inay aqal-gasho ka fogaan inta aad ku guda jirto Bisha barakeysan inad qal-qal galiso Xaajigada. 
2- iska ilaali sameynta dhaqamada xun-xun ee ka fogeyn karo Ninkaada sida: Ciyaal suuqnimada, sameynta waxyaabaha uu dhibsanaayo, ka maqnaanshaha hooyga xiliyada uu shaqada ka soo baxaayo IWM . 
3- Haddii aad tahay Gabar yar inta aad ku guda jirto maalmaha Koowad ee arooska isku day inad muujiso xasilooni kana fogaaw wel welka kaaga imaan karo dhanka gacaliyahaaga …. ha moogan in wel welka uu yahay mid aad awoodo inad xakameyso shaqsiyad ahaantada. 
4- inan yahay ma ogtahay maalmaha koowad haddii aad sameyso ficil xun in sida ugu dhaqsiyaha badan gurigaaga uu ku bur-buri doono, sababtuna waxa ay tahay xasilooni daro ka dhalaneysa labada dhinac. 
5- inta badan waqtigaada sii Xaajigaada si aad uga saarto jawiga uu xilligaasi ku sugan yahay adiga oona geynaaya Jawi wanaagsan oo ku dheehan degnaansho, raali galin, fir-fircooni. 
6- Weeney soona dhawey ninkaada habeenka koowad si aad jilbaha ugu dhigto guusha aqal-galkaada habeenkaasi. 
7- Ma ogtahay in boqolaal dumar loo furay xasilooni daro, ixtiraam la’aan, fara-dheeri IWM. 
8- isku-day in maalinta koowad aad xusto wanaaga boqorkaada isla markaana muuji Jaceyl ka duwan kii aad u qabtay xilligii hore. 
9- Ogaaw gabar yahay in ficilkaada iyo wanaagada uu yahay mid ku geyn-karo meel waliba oo ah xumaan iyo wanaag. 
10- Gabaryahay ka fogaaw haddii aad guursato Asxaabtada badan oo inta badan sababa kala fogaan shaha ninka iyo naagta ama furiinka deg dega ah. 
11- ka fiirso inta aadan guursan dabeecadda ninka aad guursaneyso. 
12- isku-day inad bedesho dabeecadaada ka hor inta aadan guursan, haddii aad guursato si aad uga fogaato wax waliba ee bur-burinkara dhismaha gurigaaga.
13- ha faafin sirta idinka dhexeysa adiga iyo ninkaada 
14- Iska ilaali xiriirin la’aanta Ehelka Xaajigaada ama ninkaada. 
15- Ugu dambeyntii, Gabaryahay Ragu ma jecla dumarka wareega ama socodka badan. 

Qodobadaasi waxaa laga soo turjumay Buug uu qoray Khabiir u dhashay dalka Urdun oo isagu aqoon u leh waxna ka qora Arrimaha Bulshadda.









_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog