Waxaa saaka lagu wadaa inuu furmo
kalfadhigii labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo socotay qaban qaabada
xaflada furitaanka oo ka dhici doonta Dugsiga sare ee Booliska Jeneraal Kaahiye,
halkaasoo ammaankeeda si aad ah loo adkeeyay.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof.
Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa todobaadkii hore iclaamiyay in 2-da March
oo maanta ku beegan uu furmi doono kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka, markii uu
soo idlaaday kalfadhigii koowaad.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh
Maxamuud ayaa furi doono kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka, isagoo ka jeedin
doona khudbad uga hadlayo xaaladihii u dambeeyay ee dalka iyo waxyaabaha
dowladdiisa u qabsoomay mudadii lixda bilood ay jirtay.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha
Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa khudbad ka jeedin doono kalfadhiga labaad
ee Baarlamaanka.
Laakiin waxaa jira tilmaamo laga
bixinayo habka uu ku furmayo kalfadhiga oo ah inuu noqdo saddex meelood labo
meel inuu kalfadhiga ku furmo, hase ahaatee waxaa la soo warinayaa in aanay
Muqdisho ku sugneyn tiro intaa la eg, maadaama ay fasax ku maqan yihiin.
Wararka qaar ayaa sheegaya in laga
yaabo in kalfadhiga kooram la’aan ku furmo, ama ay adkaato inuu si qal qiil ku
furmo, hadii aanay dhicin in maanta Xildhibaanada maqan ay dalka ku soo
xaroodaan gelinka hore ee maanta.
Si kastaba ha ahaatee kalfadhiga labaad
ee Baarlamanka ayaa hadii uu maanta furmo baarlamaanka uu geli doonaa howlo
culus oo aad u xasaasi ah, iyadoo labadii bilood ee Baarlamaanka fasaxa ku
maqnaa ay socdaan shirar gaar gaar ah oo ka dhacayay magaalada Nairobi.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
.jpg)