Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi
Faarax Shirdoon ayaa si kulul uga soo hor jeestay shirweynaha Maamul u sameynta
Jubooyinka ee shalay ka furmay magaalada Kismaayo, isagoo cadeeyay in shirka ka
furmay Kismaayo uu wado qaldan ku socdo.
Wareysi uu siiyay laanta Afka
Soomaaliga ee BBC-da ayuu Ra’iisul Wasaaruhu si cad u sheegay in shirka ka
furmay Kismaayo ay ka maqan yihiin saddex arrimood oo ay ugu weyn tahay
hogaanka dowladda, isagoo tilmaamay in dowladda ay wax isugu yeeri karto,
dadkana doorkooda uu cad yahay, isla markaana doorasho wax walba ku imaan
karaan.
“Dowladda ayaa wax isugu yeeri karta,
dadka doorkooda waa cad yahay, doorasho ku cad yahay, dowladda hogaan bey
leedahay, intaas oo dhan shirka waa ka maqan yihiin, dadka waa u hambalyeynayaa
waxa quruxda badan ee ay qabsadeen, Jubaland hadii dadka jecel yihiin Federal
System ayay ku dhamaaneysa”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid.
Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa sheegay
in dowladda aanay u dulqaadan doonin waxa uu ugu yeeri marin darada, isla
markaana dowladda aysan ogolon, isagoo af cad ku yiri dadku dookrooda haku
ekaado.
“Laakiin uma dulqaadan doono marin
darada mana ogolin af cad baan ku leenahay, dadka doorkooda haku ekaado, isku
dhex darka iyo xaga ka bilaabaya iyo wixii oo dhan hala is dhex geliyo, waxaan
si cad u sheegeyna inaan taageersaneyn, dowladda kama muuqato hogaankeedaa”ayuu
si kulul u yiri Ra’iisul wasaaraha.
Mar la weydiiyay Ra’iisul Wasaaraha
in dowladda ka gaabisa siyaasada iyo arrimaha gobolada ayuu si kulul ugu
jawaabay in aanay dowladda wax gaabis ah sameyn, isla markaana dhowr wafdi ay u
direen Kismaayo oo isugu jiray Wasiiro iyo Saraakiil, isla markaana casuumaad
ay si gaar ah ugu direen Mas’uuliyiinta Kismaayo ku sugan.
“Aniga kula hadlaya waxaa diray
7-wasiir oo uu ku jiro Taliyaha ciidamada xooga dalka, waxaan casuumaad qaas ah
oo aan ku casuunay cid walba gaar ahaa ninka odayga ee meesha jooga inay halkan
nagu yimaadaan, ama aan aniga xaga tago wax jawaab ah nama soo siin, anagana
nalaguma dhiira gelin inaan xaga tagno, mar kale ayaa wafdi u dirnay isku
dhacii yaraa ee dadka ku dhintay, si aan u muujino mowifka cad ee dowladda
wafdi ballaaran oo saddex wasiir ayaa dirnay, danta waxay aheyd nabada haloo
daayo, dadka hala wada jiro, taariikhdii adkeyd dib yaa loo qod qodin”ayuu
hadalkiisa sii raaciyay Ra’iisul Wasaare Saacid.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Saacid
ayaa sheegay in tiro labo jeer ay diyaariyeen Hotelo si ay u dejiyaan
Mas’uuliyiinta Kismaayo, hase ahaatee aanay waxba ka soo bixin, isla markaana
aan jawaab dambe ka helay dhinaca Kismaayo ee ay ku martiqaadeen inay Muqdisho
yimaadaan.
“Waxaa meesha yaala waxay ku tuseysaa
in aan ka gaabin, guud ahaan Xukuumada wali waa u taaganahay, in Jubaland sida
la jecel yahay, dadkeeda jecel yahay ku dambeyso, yaan la wal walin, yaan la
talo xumaan, dagaal dambe soomaali alle haka koriyee, dowladda ma damqineyso
kama daahineyso, danteeduna waa danta dalka”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdi
Faarax Shirdoon Saacid.
Dowladda Soomaaliya ayaa markii hore
ku qanacsaneyn habka wax loo waday ee shirweynaha Maamul u sameynta Jubooyinka,
waxaana jiray dadaalo ay ku bixineyso inay hogaanka shirka uu noqdo mid
dowladda looga dambeeyo, hase ahaatee waxaa muuqatay inay marti ka aheyd wax
walba oo ka socday Kismaayo abaabulka ay wadeen xubnaha Kismaayo ku sugan.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
.jpg)