Kooxo hubeysan ayaa saaka gabar
dhalinyaro ah oo wax ka barata mid ka mid ah Jaamacadaha ku yaala magaalada
Muqdisho ku dilay nawaaxiga Dugsigii Maxamuud Xarbi ee degmada Wardhiigley.
Gabadhan oo da’deeda lagu sheegay
18-20 ayaa magaceeda lagu soo gaabiyay Ayaan, waxaana dilay labo dhalinyaro oo
bastoolato ku hubeysneyd, kuwaasoo rasaas kaga dhiftay qeybaha sare ee jirka.
Mid ka mid ah dadka ku nool xaafada
ayaa sheegay in gabadha la dilay saaka iyadoo u kalaheysay Jaamacada Jazeera oo
ay wax ka barato.
Lama oga kooxaha dilka ka dambeeyay,
inkastoo ay baxsadeen kooxihii dilka ka dambeeyay, waxaana dilkan uu qeyb ka
yahay dilalka qorsheysan ee ka dhaca qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka
Banaadir.
Taliska Booliska degmada Wardhiigley
oo lala xiriiray dilka kadib ayaa ka gaabsaday, waxaana inta badan aan dhicin
in ciidamada ay gacanta ku soo dhigaan kooxaha dilka geysta.
Dadka deegaanka ayaa aad uga naxay
dilka gabadhan da’da yar ee Ardayad aheyd loo geystay.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
.jpg)