Maxkamada Racfaanka Gobolka Banaadir
oo maalmahan waday dhageysiga dacwada loo heystay Haweeneydii la kufsaday iyo
Wariye C/casiis Koronto oo Maxkamada horay ugu xukuntay muddo hal sano ah ayaa
maanta sii deysay haweeneydii la kufsaday.
Xeer Ilaalinta Maxkamada racfaanka
ayaa sheegtay in wax dambi ah lagu waayo Luul Cali Cusmaan oo horay Maxkamadu
ugu eedeysay inay aflagaado u geysatay dowladda, inkastoo aan la soo hadal
qaadin kufsigii iyada loo geystay iyo tallaabada Maxkamada ka qaadaneyso.
Laakiin Maxkamada racfaanka ayaa
amartay in la sii daayo haweeneydan, waxaase Maxkamada ay muddo lix bilood oo
xarig ah ku riday Wariye C/casiis C/nuur Koronto oo horay muddo sanad lagu
xukumay.
Qareenka u doodayay wariyaha ayaa
sheegay in wali aanay ku qanacsaneyn, iyadoo Wariyaha lagu eedeeyay inuu been
abuur sameeyay.
Kiiskan kufsiga iyo xukunka Maxkamada
riday ayaa si weyn u gil gilay siyaasada dowladda, waxaana dowladda Soomaaliya
ku tilmaamay mid sumcad xumo ugu soo jiiday caalamka.
Wixii warar ee ku soo kordha kala
soco wararkeena dambe
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
.jpg)