La Yaabka Dunida: Xaaladda Gabadh 15 Sanno la Moodayey inay Uur Leedahay oo la Shaaciyey.

Friday, March 22, 20130 comments


Gabadh u dhalatay Ingiriiska, ayaa 15kii sanno ee u dambeeyey nolosheeda ku qaadatay iyadoo dadku moodayeen inay leedahay uur siddeed bilood ah, kadib markii ay la soo daristay xaalad caafimaad-darro oo sababtay in midhicirada calooshu bararaan.

Mrs. Joanne Turton oo 33 jir ah waxay xaaladdan adag gashay markii da?deedu ahayd 18 jir, ilaa haddana may helin wax daawo ah, waxaanay dhakhaatiirtu ku wareereen inay ogaadaan nooca cudurka haya, waxaanay dad badan u haysteen inay uur leedahay, balse mar dambe ayaa la ogaaday inuu hayo xannuun culus oo noociisa la garan waayey hayo.

Haweenaydan oo waqtigan leh gabadh yar oo shan jir ah ayaa iyadoo xaaladdeeda ka warramaysay waxay tidhi; ?Ilaa markii xaaladdani igu soo korodhay, calooshaydu way buurnayd oo qof kastaa wuxuu u qaadanayey inaan caloosha ku sido ilmo siddeed bilood ah. Waxay ugu haysaa dhib badan oo garaac iyo xummad isugu jira, dhammaan noloshayda oo dhana way saamaysay. Dibadda uma bixi karo, saaxiibbadayna ma raaci karo.?

Gabadhan waxa la mariyey dhakhaatiir badan, kuwaasoo tuunbo hoos ugu dhaadhicyey caloosha, kadibna isku dayey inay ka daaweeyaan cudurkan, laakiin dhammaantood way ku guul-darraystay.

Waxa kaloo Miss. Turton ay sheegtay inay internetka ka baadhay qof xaaladeedan oo kale la soo darisay, iyadoo tilmaantay inuu ku nool yahay qaaradda Yurub.
Haweenaydan ayaa marar badan loo diyaariyey in qalliin lagu sameeyo, balse dhakhaatiirtu ka shakiyeen inay qalaan, waxaanay haatan u diyaargaroobaysaa caloosha qalliin baaxad leh oo casriya lagaga sameeyo caloosha.

Sidoo kale, haweenaydan lama garan karo marka ay uurka leedahay, maadaama had jeer la moodo inay caloosha siddo ilmo 8 bilood ah, waxa qalliinka hadda loo samaynayo ugu tabarucay khubaro ka hawlgala cusbitaallada Yorkshire Hospitals oo ku yaal dalka Ingiriiska.

Ibraahim Khara Saciid.













_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog