Badrudiin Cali Siyaad iyo Maxamed
Dhabarey ayaa geeriyooday kadib markii gaari ee wateen uu wadada ka baxay kuna
dhacay Wabi gudaha Dalka Mareykanka.
Shilkan ayaa ka dhacay Wabiga Red
Cedar ee Gobolka Wisconsin maalintii talaadada aheed waxaana lasoo wariyay ion
shilkan uu sabab u ahaa qabow daran iyo Ceyryaamo hawada xirtay oo xiligaasi
jiray taa oo keentay in labadan Wiil iyo gaarigii ee wateen uu wadada ka baxo
Wabigana ku dhaco.
Meydka labadan Wiil ee Soomaalida ah
ayaa la helay maalintii shalay iyadoona Mid kamid ah la aasay Labadan Nin ee
Soomaaliga ah kan kalan lagu wado in la aaso saacadaha soo aadan.
Wali sooma bixin faah faahin dheeraad
ah oo ku aadan geerida labadan Nin ee Soomaalida ah iyo waliba shirkada ee u
shaqeenayeen , waxaana inta badan Dalka Mareykanka iyo Dalal badan oo caalamka
ku yaala ka dhaca Shilal gaari oo sababa geerida dad aad u badan .
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com