Xildhibaan Yuusuf Xasan ayaa mar kale
dib loo doortay Kursiga Xildhibaanimo ee degmada Kamakunji, kadib markii
Musharaxihii la tartamayay ee xisbiga ODM uu ka guuleystay labo-laab tiradii
codod ee la tirayay.
Degmada Kamakunji ayaa aheyd meesha
sida gaarka ah isha loogu hayay natiijada doorashada, maadaama ay ka tirsan
tahay Xaafada Islii oo ah halka ugu badan ee soomaalida degan yihiin.
Xildhibaan Yuusuf Xasan ayaa lagu
gudoonsiiyay warqada xildhibaanimo Isbitaalka Aga Khan oo uu muddo labo bilood
ku jiro, kadib markii uu horay ugu dhaawacmay qarax bambaano oo ka dhacay
Xaafada Islii.
Gudoomiyaha doorashada degmada
Kamakunji ayaa ku bogaadiyay Xildhibaanka natiijada uu ka helay doorashada iyo
sida kalsoonida mar kale dib loogu doortay Xildhibaanimada degmadaas.
Dhinaca kale waxaa dib loo dhigay
tirinta doorashada madaxtinimada dalkaas, waxaana la filayaa in natiijada
rasmiga ah inay maalinta berri lagu dhawaaqo.
Sidoo kale waxaa iyana la joojiyay
nidaamki tirinta ee doorashada, oo qaabkii hore aheyd mid Electronic, balse
haatan laga dhigay qaab tirin caadi ah.
Wararka horu dhaca ee la helayo ayaa
sheegaya in Uhuru Kenyatta uu ku horeeyo tirinta cododka, inkastoo aan natiijo
rasmi ah lagu dhawaaqin.
Natiijada doorashada ayaa aad looga
war sugayaa, iyadoo wal wal iyo walaac laga qabo natiijada soo bixi karta inay
ka dhalato rabshado.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
