Dumarku
Waxeey U Nugulyihiin Nafsadoodana U hibeeyaan Ninka Aay Ka Helaan Arimahaan.
Dumarka
waxey aad ugu qalbi nugul yihiin raga aay ka helaan waxeey doonayaan in kastoo
dumarku aay isku dabci aheyn hadana midbaa waxey necebtahay mida kale waxey ka
hesho, balse ninka raga ahi waa ninka kala garto waxa aay marwadiisu dooneyso
iyo waxa aanay dooneyn.
Hadaba
ninyahow si aad u hanato quluubta xaaskaaga ku dhaqan qodoba kuwooda wanaagsan
ee newbanaadir.com aay kuusoo bandhigeyso.
Qodobka
1aad: Si aad xaaskaaga usoo jiidato ha u aqoonsan keliya ineey tahay xaaskaaga
u aqoonso oo ka dhigo saaxiibtaada oo aad kala tashato arimo kasto oo ku
saabsan noloshina maxaa ka macaan jaceyl iyo saaxiibtimo aad hal qalbi kuwada
abuurtay.
Qodobka
2aad: Xiliga aad adiga iyo lamaanahaada ku keliyoowdaan qolka fadhiga ee tv-ga
ha u ogolaan meelo kala dheer inaad kala fadhiisataan isku soo dhawaada marna
garabkeeda barko oo madaxa saaro marna dhabteeda ku seexo marna ku cayaar
timaheeda si aay u dareento meel amaan ah ineey ku sugantahay, xusuusnoow
dumarka waxaa hanto ninka tusiyo agtooda ineey amaan ku yihiin.
Qodobka
3xaad: Ma ogtahay in aay jirto sir muhiim ah oo kaa qarsoon xaga dumarka,
taasoo aad ku kasban karto balse raga soomaaliyeed aaysan sameyn, hadaba
sirtaasi waxey tahay dumarku ineey aad u jeceylyihiin in aay xambaaraan ragooda
ama duudka haku qaadeen ama shafka ha ku qaadeen, hadaba xaaskaaga mararka qaar
aad keli tihiin ku dheh sariirta ama kursiga ku istaag kadibna qaad markaad
dejiso eeg wejigeeda qosolka iyo farxada kaaga muuqan doonto…
Akhristiyaasha newbanaadir.com maanta halkaasi ayaanu kusoo koobeynaa hanashada quluubta
marwadaada, balse ogoow ineey jiraan siyaabo aad u badan welibana sahal ah oo
aad ku kasban karto quluubta xaaskaada
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
