Madaxweynaha Soomaaliya oo ku tilmaamay ciidamada Uganda kuwo naftooda u huray shacabka Soomaaliyeed

Sunday, March 17, 20130 comments



Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku tilmaamay ururka Al-shabaab mid laga guuleystay oo aan weeraro soo qaadi karin.

“Malaha imminka awood ay weerar ku soo qaadaan. Waxayna isugu soo urureen oo kaliya weeraro argagaxiso iyo dilal qorsheysan,”ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wareysi ku siiyay weriyaal ka socday saxaafada Uganda khamiistii madaxtooyada magaalada Muqdisho oo ahayd halka ugu darnayd ee weerarada lagu soo qaadi jiray intii u dhexeysay 2007-2010.

Waxaana uu madaxweynuhu ka hadlay in ururka Alshabaab dhaqaalihii ka soo geli jiray dadka Soomaaliyeed uu joogsaday:
  
“Ma jiro meel ay dhaqaale ay kaga soo urursan karaan shacabka sababtoo ah magaalooyinkii waaweynaa oo dhan oo ay ka heli jireen dhaqaalaha waa laga qabsaday,”ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Labadii sano ee ugu dambaysay ayaa ururka Alshabaab waxa uu luminayay magaalooyin badan oo ay ka talinayeen. Kadib markii laga qabsaday magaalada Buurhakaba waxa ay maleeshiyaadka ururka Alshabaab isugu soo urureen magaalada xeebta ah ee Baraawe.

Hase ahaatee madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in aysan jiri doonin degmo kaliya oo ay maamulaan ururka Al-shabaab waqtiyada dhow.

Madaxweynaha ayaa soo dhaweeyay wadamada Afrikaanka ah ku taageeray ciidamadooda dalka Soomaaliya.

“Waxa ugu qaalisan ee qofka bani’aadamka ah uu ugu deeqi karo qofka kale waa noloshiisa. Taasina waa tan ciidamada Uganda ay shacabka Soomaaliyeed siiyeen,” ayuu yiri Madaxweynaha

Ciidamada Uganda ayaa ahaa kuwii ugu horeeyay ee la keeno dalka Soomaaliya kadibna waxaa soo gaaray ciidamada Burundi sanadkii 2011kii waxaana ku soo xigay wadamada Kenya iyo Djibouti.

Ugu dambayntii madaxweynaha waxa uu ugu baaqay wadamada deeqaha bixiya inay sii wadaan gargaarkooda illaa dalka Soomaaliya uu lugihiisa isugu taago.














_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog