Ciidamada Ethiopia oo baneeyay magaalo Xudur iyo qax ka bilaawday magaaladasi...

Sunday, March 17, 20130 comments


Wararkaa laga helayo magaalada Xudur ee gobalka Baay ee koofurta Soomaaliya ayaa waxa ay xaqiijinayaan in Ciidamada Ethiopia ay guud ahaan isaga bexeen Magaaladaasi si lama filaan ah arintas oo hor seeday cabsi shacabka soo wajahday ayna xigtay qax xad dhaaf ah oo bilaawday kadib markii lasheegay in ay Al-shabaab isu diyaarinayaan in ay lawareegaan.

Dadka qaxaya ayaa waxa ay si aad ah uga cabsanayaan in hadii Shabaabku uu ku gaaraan magaaladaasi lagowraco sida horay uga dhacday deegaano hoos taga Degmada Celbuur ee gobalka Galguduud halkasi oo Shabaab ay ku bireyeen dad badan oo ay ku eedeeyen in ay lashaqeyn jireen ciidamo Ethiopian ah oo degmadaasi mar ku sugnaa jiray.

Lama oga waxa sababay in magaaladaasi ay ciidamada Ethiopia baneeyaan, hasa yeeshe Ethiopia kuma cusba in ay magaalo Soomaaliya soo buux dhaafiyaan amaay baneeyaan iyada oo aan cidina arintooda lasocan.

Ciidamo Ethiooian ah oo sanadkii hore lawareegay deegaanno badan oo katirsan Galgudud ayaa ugu danbeyn baneeyay halkaasi iyada oo Shabaab ay durbadiiba ku laabteen iyaga oo ka dhigay dhamaan dhalinyaradii magaalada kuwa ay xireen kuwa ka carara iyo kuwa ay u dilaan xariir ay sheegen in ay ciidamada Ethiopia lalahaayeen.














_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog