Magaalada Muqdishu ayaa waxaa la sheegay inay ku soo noqoneysa xaalad caadi ah oo ka wanaagsan sidii hore ee ay ahaan jirtay iyadoona xilliyada habeenkii ay dadku ay si caadi ah oo aan cabsi lahayn ay isugu socdaan islamarkaana ay magaaladu guud ahaan ay tahay mid shidan.
Magaalada Muqdishu ayaa waxay noqotey magaalo ka reysatey dhawaqa xabadaha iyo cabsidii badneyd iyadoona ay magaalada xilliyada habeenkii ay dadku si caadi ah isugu socdaan islamarkaana ay maqaayadaha cuntada iyo ganacsiga kaleba ay si habsami ah oo aan wax cabsi ah ku jirin ay u socdaan, dadka ayaa maqaayadaha u casho tago iyadoona uu ganacsiga qaarkiis uu furan yahay ilaa iyo 12ka saqda dhexe ama ilaa iyo 6 saac oo habeenimo, Sidoo kale ayaa meelaha loo caweystago oo ay soo buuxdhaafiyaan dhalinyaradu iyadoona showgii ugu dambeeyey ee heesaaga weyn ee Maxamed Xasan Xuseen (Lafoole) ay soo camireen dhalinyaro kala duwan oo rag iyo dumar isugu jiro islamarkaana ku caweynaayey goobtaas cabsi la'aan, iyadoona sida ay sheegtay Sahro Ciisa oo ka mid ah saxafiyiinta magaalada Muqdishu ay xilliga la socdo ay tahay mid aan suurogal ahayn waqtiyadii hore laakiinse ay hada u muuqato magaaladu inay tahay mid ay nabadeedii ay soo noqotey.
Ugu dambeyntiina iyadoo sida muuqata ay magaalada Muqdisshu ka soo reysanayso bur burkii iyo dhibaatadii ka jirtey mudada dheer ayaa waxay arintaan tahay mid isa soo tareysay ilaa iyo xilligii laga saaray magaalada Muqdishu maleeshiyaadka kooxda Alshabaab mudo dhowr sano ka hor ah iyadoona wixii waqtigaas ka dambeeyey ay magaalada noqotey mid ay xaaladeedu ay maalinba maalinta ka dambaysa ay ka soo wanaagsanaaneyso sidii hore.
Daawo Muuqaal Ahaan Muuqalka Magaalada Muqdisho Xiliyada habeenkii
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com