Waxaad ogaataa marka hore in ninkaada codsiyaadada uu kugu fulinayo si degan oo aan laheyn dood iyo is qab qabsi , mararka qaar ninku ma jeclo haweeneyda dalabaadka badan .
1- waa in dalabaadyadaada ahaan kuwo aan macquul ah oo ninkaada uu ka naxayo oo kedis ku noqonaya .
2- hadii dhanka shaqada uu dhib ka haysto waxa uu noqonaya mid wel welsan ee dib u dhigo dalabaadkaada oo ogaaw in uu bahaan yahay naxariistada iyo in aad is bar bartaagtid .
3- waa in aad doorataa waqtiga munaasibka ku ah in aad wax weydiisato.
4- ka digtoonaaw hab dhaqanka ka faa`ideysiga haddii ninkaada uu dareemo in aad ka faa`ideysaneyso fal celiskiisa dhankaada aad ayuu u yaraanayaa .
5- hakula doodin dalab caruurta hortoooda am qof kale .
6- waa in aad la socotaa miisaaniyada ninkaada oo aad eegataa in uu awoodi karo waxa aad weydiisaneyso.
7- In aad caruurta ka dhigan gaashaan oo halkii adiga wax ka daban laheyd in iyaga aad adeegsato oo ku hoos gambato.
8- Waligaa habkaan ha sameyn ee ah in aad is xanaajiso ama ilin iska keento si uu dalabkaada u hesho , waana midda ugu daran ee ay ragga neceb yihiin .
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com