![]() |
Wargeyska Yle ayaa qoray in jaamacada Helsinki xafiskeda Almanakka uu ka fiirsanayo magacyo cusub oo lagu kordhinayo kalendar magacyada ee dalka Finland. Magacyada leysku hayo in lagu daro ayaa waxaa kujira magacyo ajaanib ah oo eysan la bixin dadka luuqada hooyo u tahay af finishka ama af ka swidhishka.
Madaxa xafiiska Almanakka Minna Saarelma-Paukkala ayaa sheegtay in magacyada listka magacyada lagu daraya ey shuruud utahay in magacaas loo baxsho ugu yaraan 500 oo caruur ah.
Shuruudaha lagu xusho magacyada listka magacyada intaas kaliya maaha, waxaa kale oo la tixgaliya iney magacyo ey la baxaan dadka asal ahaanta finishka ah.
Waxaa xusid mudan in magaca Mohammed uu yahay magac aad loo la baxo dalka Finland, tirakoobka xafiiska diiwaangelinta waxaa magaca Mohammed uqoran tahay ilaa 1000 qof, halka Mohammedna ey uqoran tahay ilaa 4000 oo qof.
Magaca Mohamed ayaa ka caansan magacyo kale oo finish ah sida magacyada Jami, Kimi, Niila.
Minna waxay tiri, dhaqanka waa mid had iyo jeer isbedel kusocdo, marka waa in leys weydiiya ma la gaaray xiligii an magac muslim ah ku dari laheyn listka magacyada.
Magacyada cusub ee kalendar magacyada lagu daraya ayaa waxaa go’aan laga gaaraya bisha august, waxaana lagu daraya listka sanadka 2015. Magacyada kalenderka ayaa 5 sano mar la cusbooneysiiyaa.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com