Waxaa U Guur Galay Aduunka meelaha ugu khatar badan uguna nabad gelyo xun xagga dumarka, gaajada caafimaad xumada barakicinta arxan darada lagula kaco dumarka iyadoo aan loo aabo deyeynin waayeelka iyo hooyooyinka loogu yeedho “bir magaydada” hadii aan aan soo qaato wadamada ugu arxan daran xagga dumarka waa India, Congo, Pakistan, Afganistan, K,soomaalia, iyadoo shan jeer la qaaday “Survey” lagu xaqiijiyey in ay meelahaa ka jiraan xad gudubyo lagula kaco dumarka oo ah kufsi dil dhac baro kicin shaqo ka eryid , iyo weliba Acid lagu shubo hadab meelahan inagoo ku arki doona sawiro aad u cajiiba bal aan eegno oo indhaheena hor keeno tacadiyada lagula kacayo meelahaa aduunka ugu khatar badan iyo dumarka ku nool siday u nool yihiin intaba waan tan wabixintii iyo sawiradii ee ka bogo.
Dumarka wadanka Afgaanistaan oo dhibaato dhaqaale xumo iyo macaluul badani haysato shaqo loo ogol yahayna jirin ayaa hay’adihii siin lahaa raashinka waxaa ku hor gudban ciidan qalabkoodu u dhan yahay oo weliba dhengedo ugu dara aanay qaadi karin dumarku oo ah nugul aan awood badan u lahayn garaacid iyo riix riix .
waxaa halkaa lagu qarxiyey xafiis dumarku lahaayeen oo xaquuqdoda u doodi jiray iyo sidii shaqo loogu abuuri lahaa waxaa ku naf waayey dad badan iyadoo aragtaa dhawaca qofkaa dumara iyo gabadhan yar ee loola soo caracaray cisbitaalka waxaa iska jira dhibaato aad u daran oo xaga nolosha ah wadankan Afgaanistaan.
Xiliyada qaboobaha ee barafku soo daato waa xiliyada ay ugu daran tahay dumarka ka dewersada wadooyinka iyagoo quud u raadinaya caruurta ay dhaleen iyadoo caruurtana ay aad u yartahay in ay hana qaadaan cuduro kala kulma gaajada iyo daryeel la’aan ku rida nafaqo xumo iyo macaluul aad u daran.
Waxaad aragtaan gabadha sariirta jiifta oo la yidhaahdo shamisa waxaa lagu shubay Acid wejigeeda ilaa dhulka u qarsoon waa qayb ka mida tacadiyada lagula kaco dumarka qoftan kale ee waayeelka ah waxaa la xidhay ninkii u shaqayn jiray waxay macaluul awgeed uga ooynaysaa jeelka weyn ee kapul.
Waa dumar sugaya Grams kii ay ku lahayeen Worl food Program si loo siiyo waxoogaa ay ka qaadan jireen iyadoo la fadhiisiyey gegidaa, Gabdhan yar ee caawinaysa hooyadeed oo ku laxaad beeshay qarax bambaano oo lala beegsaday wado ay maraysay waxay ku weyday labadii cagood iyadoo qoryo loo geliyey.
caruurta oo iyaguna ay dumarku la ciir ciirayaan dhibkooda oo ayna u ahayn wax quudin ah iyo daryeel kaleba yaa ah dhibka ugu sii daran ee haysta maatada aan xooga lahayn ee wadamadan ku haysta iaydoo raggu wax arxana aanay u haynin.
Congo oo ah meelaha sida arxan darada ah ay uga socoto tacadiyada lagula kaco dumarka ayaa waxay Militia du iyagoon u kala aabbo deyin ay u kufsadaan dumarka waaweeyn iyo yar yar intaba marka laga bilaabo Da’da sadex jir ilaa shan iyo todobaatan way kufsadaan iyagoo qoriga bayonets kiisa u is ticmaala caruurta.
Hooyadan iyadoo aan wax raashina afka gelin hadana laba caruura jaqsiinaysa iyo weliba dumarkan ka soo yaacay dagaalo sokeeye oo ka dilaacay wadanka Congo haysana hot ay kaga gabadaan Militia da u sii xoog sheeganaysa ee dhaca wixii ay haystaan iyo kufsiga kula kacaya waa mid aad looga xumaado.
Waa hooyooyin ay dantu ku keliftay in ay askar noqdaan si ay caruurta cunto ugu helaan hadanaa dagaalada dhacay iyagoo hubaysan qorigii meel ay ku tuuraana la’ caruurtii dhabarka ku wata iyo islaamo waayeel ah oo cid u gar garaarta haysan fadhiyana cidla kuna sugaya gargaar eebbe.
Sawirka kore waa dumar la xasuuqay oo inta la kufsaday la laayey waxaad aragtaan qof dumara oo sii dhimanaysa oo wiilkeedii naaskeeda quud ka sii raadinayo waa arrin mucjiso ah caruurtan waa pakistaan waxaa dhintay aabahood hooyadood ayaa askariyad noqotay si ay reerka u caawiso iyadiina waa la dilay waxayna ina tusayaan sawirkii hooyadood iyagoo aduun afka ku soo kala qaaday waana ku beryey hablahan.
shaqooyinka cul culus ee ay gelayaan ka sokow waxaa jira sida aad ku aragtaan sawirkan ama uu qeexayo kufsi iyo dil waan waxa ay la kulmaan bir magaydada aan waxba galabsan ee had iyo jeer lagula kaco tacadiyada.
Waxaa ay shaqaale ka noqdaan kuuli ah hadii ay helaanba oo ay u muuqato in raggu awoodi waayo dhismayaasha dhaadheer oo biyaha ay dhabarka iyo madax ugu dhaamiyaan marka la dhisayo iyadoo aad aragto sida ay u shaqaynayaan.
Dumarka soomallida koonfureed ayaa iyadana waxaa soo foodsaartay xaalad aad u adag oo ah mid sida warbixinta lagu sheegay kufsi baro kac iyo arxan daro ah iyadoo hooyooyinkaa aad aragto guriga ay caruurtooda uga dhisanayaan dhaxanta iyo bahal dad iyo dugaag intaba iyadoo gabadhan la kufsaday weliba si araxan daro ah loogu sameeyey in jidhkeeda la googooyo dhibna ka soo gaadho ficilkaa.
Dhibka ka soo gaadhaya dhibaatada ka timaada dagaalada iyo arxan darada raggooda ay badaan ayaa waxay tahay mid aanay ka soo kaban karin dumarku iyadoo naftooda iyo caruurtuba halis ku jiraan wadamadaa aynu ka soo hadalay waxaan idinkaga tegayaa kulanti danbe oo xiiso leh.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com