Madaxweynihii hore ee Dalka Mareykanka Joerge W Bush ayaa noqday farshaxamiiste kadib markii uu bilaabay barashada qaabka wax loo sawiro taa oo ugu dambeyntii ku guuleestay in uu noqdo Farshaxamiiste.
Joerge W Bush oo ah Madaxweynihii 43-aad ee Dalka Mareykanka soo mara ahaana mid kamid ah Madaxdii ugu awooda badnaa Caalamka mudana ka talinayay Dalka Mareykanka ayaa hada isku mashquuliya in uu noqdo farshaxamiiste gacantiisa sawiro ku xardha.
Bush ayaa la baray mudo bil ah qaabka wax loo sawiro gaar ahaan Qaabka la iskugu daro Rinjiyada wax lagu sawiro iyo qaabka Sawirada gacanta lagu sameeyo taa oo la sheegay in markii dambe uu macalin ku noqday iskuna badalay nin Qatar ku ah Farshaxanka iyo wax sawirida.
Maamulaha Iskuulka Farshaxanka ee hadda uu wax ka barto George Bush Haweeneyda lagu magacaabo Bonnie Floyd ayaa sheegtay in Bush uu yahay nin xarfaan ku ah Farshaxanka Shahaadada ay hada siiyeena ugu qoreen 43-aad sidoo kale Iskuulka looga yaqaan Numberkaasi maadama uu yahay Madaxweynihii 43-aad ee Dalka Mareykanka soo mara.
Bonnie Floyd ayaa ku dooday in Joerge W Bush uu hada yahay Farshaxmiiste Caalami ah isagoona sawiray in kabadan 50-Sawir oo eeyo kala duwan ah uu ku jiro eey uu lahaa oo dhintay Xiligii uu Madaxweynaha ahaa .
Madaxweynayaal badan oo soo maray Wadamo kala duwan ayaa marka ee xilka ka dagaan waxa ee isku mashquuliyaan waxyaabo kala duwan qaarkoodna waxa ee galaan ganacsiyo halka kuwa kalana ee iyana bilaabaan ciyaaro iyo Jir dhis si ee isku mashquuliyaan.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com