Dumarka Muqdisho Ku Nool Oo Sharuudo Adag Dul Dhigay Raga Guur Doonka (Warbixin)

Tuesday, March 12, 20130 comments


Muqdisho Oo Ah Magaalo Madaxda Dalka soomaaliya ayaa haatan oo ay nabad tahay kana so kabsaneysa dagaladii ka dhicijiray Ayaa waxa ku qul qulaya kumanaan qurbo jog ah una badan dhalanyara ka tagtay qurbaha si ay nolasheda isbadal dhanka mustaqbalkoda ah ugu so sameeyaan balse sheekada la yaabka leh ee ka jirta magalada ayaa ah in dumarka da,da yar ay isha ku hayaan raga jiibkoda lacagta ay ku jirta iyadoo mesha ay ka baxayaan dhamaan dhalinyarada aan waxba haysan.

Dhalanyaro badan oo ka yimid qurbaha islamarkane hanta gacanta ku haysata ayaa bilabay inay ugaarsadaan gabdhaha da,da yar gaar ahaan kuwa bilacda so jiidashada leh ee isha qabaneysa iyago wada walba ay maraan u sahleysa inay gacanta ku dhigaan dooqoda reerka ay ka dhalatay gabadha lacaga fara badan farqaha ugu shubaya.

Dumarka Ama gabdhaha muqdisho oo markii hore loga bartay inay jaceyl jilaan ayaa hada uso jeestay inay mar un gacanta ku dhigaan dhalinyarada lacagta haysata ,Ileen Dumarka qaar ayaa oraah ka dhigtay jaceyl hanta ayaa ka weyn oo nin aan lacag haysan jaceylkisa waxba uma taraya .

Hadaba Xaajada Ayaa Meel Xun Mareysa Oo Ragii Qurbaha Ka Yimid ayaa dhibaata ku haya raga aan wali dalkoda ka bxiin ee maanka ku hayay inay mar qur ah guursadaan iyagoo aan wax hanta sidaa u badneyn haysta waxana tani ay muujineysa in dumarka ay qaali noqdeen sida sicir bararka rashinka muqdisho imika ka jira .












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog