Mudanayasha baarlamaanka oo walwal ka muujiyay qiime dhaca dollarka Maraykanka

Friday, March 8, 20130 comments


Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta markii ugu  horeysey kulmay muddo saddex maalmood ah kadib markii uu kooramkiisii buuxsami waayay waxaana maanta qodobadii ay ka hadleen kamid ahaa hoos u dhaca ku yimid dollarka Maraykanka.

Fadhigan ayaa waxaa soo xaadiray oo goobjoog ka ahaa 142 mudane waxaana shir gudoominayay guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Mahad Cabdalle Cawad.

Mudanayaasha baarlamaanka ayaa waxaa loo qeybiyay xeer-hoosaadka baarlamaanka ee qabyada ah si ay uga doodaan xildhibaanada.

Xildhibaan Xasan Abshir Faarax oo dooda kadib ka hadlay fadhiga xildhibaanada ayaa waxa uu ka hadlay hoos u dhaca ku yimid sarrifka lacagta Dollarka ah iyo sare u kaca ku yimid maciishada, waxa uuna xildhibaanada ugu baaqay in ay si dag dag ah ay golaha u horyimadaan wasiirka maaliyada iyo R/wasaaraha si wax looga weydiiyo waxyaabaha sababay.

Hoos u dhaca ku yimid sarifka Dollarka ayaa waxaa qeylo-dhaan xoogan ka muujiyay shacabka Soomaaliyeed waxaana arrintan looga fadhiya in ay wax ka qabto dowladda Soomaaliya.














_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog